Shabaab qarax gaystay oo xalay lagu qabtay Muqdisho

by admin | Wednesday, May 6, 2020 | 489 views

Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku qabtay nin ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ka dib markii uu qarax ka gaystay Degmada Yaaqshiid.

Ninkan ayaa bambada nooca gacanta lagu tuuro ku weeraray bar kontorool oo Ciidamada Booliska ku baaraan gawaarida, waxaa intaasi ka dib u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan ninkaasi, iyagoo markaasi kaashanaya dadka deegaanka.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa caweysnimadii xalay hawlo kormeer ah ku tagey qaybo ka mid ah xaafadaha Degmada Yaaqshiid. Gudoomiyaha ayaana soo kormeeray sida ay xoogaga ammaanka ugu kuurgalaan suggida amniga.

Kormeerka ka dib oo uu la hadlay Warbaahinta Qaranka ayuu sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay mid ka mid ah askarta amniga, ninkii qaraxaasi gaystayna la soo qabtay. Waxa uu intaa ku daray in horey bambo sidaan oo kale loogu tuuray waaxdaasi, isla-markaana gacanta lagu soo dhigay dembiilihii ka dambeeyay.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay Ciidamada Booliska, iyadoo dhanka kalana uu boggaadiyay sida wanaagsan, ee ay heeganka xilli kasta ugu jiraan.

Dhanka kale Gudoomiye Tuulax ayaa Maamulada Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqanba ugu baaqay inay ku daydaan Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo dadka deegaankaba, sida ay isaga kaashadeen soo qabashada ninkaasi.

Toddobadkii hore ayay ahayd markii Ciidamada Booliska ay Degmada Shibis ku toogteen nin ku hubeysnaa bambada F1-ta loo yaqaano, xilli uu damacsanaa in uu askarta ku dhibaateeyo.

Isla toddobadkii hore ayay ahayd markii Ciidamada Booliska ay laba nin oo Shabaabka ka tirsanaa ku toogteen xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Dharkiinley, wax yar uun ka dib, markii ay toogasho ku dileen nin ganacsade ahaa, oo lagu magacaabi jiray Aboorey.

Like it? Share it!

Leave A Response