Shabakada Reegaay.com oo shacabka Soomaaliyeed Ugu hambaleysay dhalashada Bisha Ramadaan

by admin | Thursday, May 17, 2018 | 1028 views

Maamulka iyo shaqaalaha shabakada Reegaay.com  waxay halkan hambalyo ku saabsan bisha barakeysan ee Ramadaan u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay aduunka ka joogan.

SHabakada Reegaay.com waxay ummadda muslimiinta ah u rajaynaysaa in uu ilaahay bishan inooga dhigo mid aynu ku dhamaysano nabadgalyo, cibaado suuban iyo akhlaaq wanaagsan, Ilaahay ha inooga dhigo bil sabab inoogu noqota in naarta la inooga xoreeyo isla markaana uu ilaahay inoogu waajiyo janooyinkiisa naxariista leh ee aan dhamaadka lahayn.

Farxad wayn ayay noo tahay in aanu idinla wadaagno hambalyada curashada bisha barakaysan ee ramadaan, waxaan sidoo kale rajaynaynaa in ilaahay caafimaad qab iyo cibaado dhamaystiran uu inagu gaarsiiyo ciida oo ah farxada xigta ee kadib gudashada waajibaadka soonka bisha Ramadaan…

Like it? Share it!

Leave A Response