Shacab ka Barakacay deyniile.

by admin | Friday, Apr 6, 2018 | 1029 views

Dagaalkii shalay ilaa xalay ka socday xaafado ka mid ah degmada deyniile ayaa sababay Barakaca boqolaal shacab oo ku noola aagga uu dagaalka ka socdo iyo meelo ku dhaw dhaw sida ay noo sheegeen dadkii barakacay.
“xalay oo dhan ma seexan, dagaal ayaa korkeyna ku socday waxaana markii dambe ka huleelnay guryaheyna sababtoo ah xaafadaha halkaas ku yaalo oo dhan waa jiingado mana lahan dabaqyo lagu gambado”sidaas waxaa KNN u sheegtay Hooyo heysata 5 canug oo Barakac ku ah Gubta Ciise Cabdi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hada aagga lagu dagaalamay ay gaareyn Ciidamo milatari ah oo ku baxay xalinta arintaan waxaana la socda saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir.
Ciidamada dagaalamaya oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa isku heesta maamulka Xerada saban saban (77) waxayna u abaabulan yihiin hab qabiil.
Dagaalka ayaa soo socday billoyinkii la soo dhaafay balse waxa uu ahaa mid dhacayay daqiiqado kooban ama isku dhac aan badneen.

Like it? Share it!

Leave A Response