Shariif Xasan oo lumiyay taageerada Xildhibaanada Koonfur Galbeed

by admin | Wednesday, Oct 31, 2018 | 968 views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lumiyay qayb ka mid ah taageeradii ay u hayeen Xildhibaanada maamulkaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen Xildhibaanada qaarkood.

Shariif Xasan oo haystay taageerada Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed qaarkood ayaa ku waayay sabab la xiriirtay inuu amray Xildhibaanada inaysan la kulmi karin Musharaxiinta kale ee Koonfur Galbeed, arrintaasi ay u cuntami wayday Xildhibaanada qaarkood oo ay diideen.

Intii ugu badneynd Xildhibaanadii taageersanaa Shariifka ayaa u kala jabay Musharaxiinta kale ee u taagan Xilka Madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed, si ay ula shiraan.

Xildhibaano gaaraya 15 Xildhibaan ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka soo ambabaxeen Magaalada Baydhabo, ujeedada ay u yimaadeen Xildhibaanadan Koonfur Galbeed ka tirsan ayaa lagu sheegay inay tahay wadatashi ay la yeelanayaan Xildhibaanada Federalka ee jooga Muqdisho, kana soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, si isbaheysi siyaasadeed loogu qaado Shariifka meeshana looga saaro.

Habeen hore ayey aheyd markii Shariif Xasan Sheekh Aadan uu bedelay dhamaan ciidankii iyo saraakiisha ku sugnayd Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna gaystay ciidamo cusub.

Loolan adag oo dhanka doorashada ah ayaa ka taagan Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxana Magaaladaasi ku sugan musharaxiin aad u badan oo qaarkood dowladda ay gadaal ka riixeyso.

Rajada uu qabo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ah mid aad u yar marka la eego sida ay uga niyad jabeen Shacabka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaanada Maamulkaasi oo hadda ay ka go’an tahay isbedel muuqda inay sameeyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response