Shaxda diblomaasiyadda Somalia ee xiisada ka dhex oogan Itoobiya iyo Masar

by admin | Thursday, Mar 26, 2020 | 18 views

Toddobaadkii dhawaa, Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa safar kedis ah ku tegay magaalada Addis Ababa. Safarku waxuu ku soo beegmay xilli ay xubnaha Jaamacadda Carabta wada taageereen mowqifka “xuquuqda biyaha Masar ee webiga Niil,” marka laga reebo Sudan.

Inkastoo Soomaaliya ay xubin ka ahayd gudbinta qaraarka lagu cambaareynayay Itoobbiya, haddana warsaxaafadeed ay soo saartay ergada Soomaaliya u joogta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, ayaa lagu caddeeyey in “dowladda Soomaaliya ay ku baaqayso in labada dal ay wadahadal ku xalliyaan khilaafkooda, iyada oo dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay door ka ciyaarto sidii la isugu soo dhaweeyn lahaa labada dhinac” (VOA Somali News – 23/03/2020).

Ra’iisul-wasaarihii hore ee Itoobbiya Meles Zenawi, ayaa sanadkii 2011 go’aamiyay in dalkiisa dhisto biyaxireen soo saara tamar dhan 6,450 Megawatt (ama 6.45 Gigawatt), kuna kacaya kharash gaaraya ilaa $4.5 bilyan doolar. Biyaxireenkaas oo loogu magacdaray “Great Ethiopian Renaissance Dam (GERD),” waxaa lagu dhisay Webiga “Blue Nile,” oo ka farcama buuraleyda Itoobbiya, kaas oo ay ka yimaadaan ku dhawaad boqolkiiba 60% biyaha webiga Niil sanadkiiba.

Muranka waxuu salka ku hayaa hab-waqtiyeedka (Jadwalka) loo buuxin doono harada kaydka biyaha oo muggiisu dhan yahay 74 bilyan cubic meter (tusaale biyaha Webiga Jubba waa 4 bilyan cubic meter sannadkii). Faa’iidada ugu wayn oo ay Itoobbiya ka helayso waa dhalinta korontada, iyadoo 65% dadkeedu heysan koronto.

Haddaba, aan isweydiinnee maxuu Madaxweyne Abdel Fattah al-Siisi ula jeedaa in Soomaaliya ay dhexdhexaadiso, iyadoo kol dhow uu buburay dadaalkii ka socday Washington, muddo ka badan afar bilood?

February 26, 2020, waxaa burburay wadahadal saddex geesood ahaa oo u dhexeyay Itoobbiya, Masar iyo Sudan, kana dhici lahaa Washington. Itoobbiya ayaa shirka kasoo qaybgelin, kadib markii ay ku tuhuntay Maraykanka in aysan dexdhexaad ahayn arrinka. Madaxweyne Sisi ayaa horey ugu guuldaraystay wadaxaajood socday 9 sanadood.

Arrinka laga xaajoonayay dulucdiisa ugu wayn waa: (1) Jadwalka buuxinta kaydka (Immisa sano?). Mugga sidaas u weyn waxaa lagu buuxiyaa jadwal heshiis lagu wada yahay, si loo dhowr xuquuqda dalalka Masar iyo Sudan (Riperian Rights); iyo (2) Mugga biyaha loo dhaafayo dalalka meesha uu webiga ku dhammaado xiga.

Shirar badan ka dib, Itoobbiya waxay oggolaatay 5 sanadood, halka Marsar ay ku adkaysatay 7 sano. Labada sano farqiga ah, Itoobbiya waxay ugu fadhidaa khasaaro dhaqaale oo aad u baaxad weyn. Masar waxaa khasaare lagu qayaasi karo 2 bilyan doolar sannadkii ka soo gaaraaya aagga “Delta Nile” oo u dhaw magaalada Iskandariya (Alexandria), oo ay biyaha ku yaraan doonaan.

Dhanka kale, Itoobbiya waxay o’goshahay in jadwalku ugudbiyo biyo la’eg, 35 bilyan cubic meter, halka Masar ay doonayso 40 bilyan cubic meter, 5 bilyan cubic meter oo dheeri ah.

Mashruuca (GERD) marka laga soo tago Itoobbiya, dhinac waxtar leh wuxu u leeyahay Suudaan oo uu ka yaraanaaya fatahaadda webiga iyo khasaarahiisa. Waxaa kaloo ka yaraanaya calawga biyaha (Dhooqada –Silting, oo lagu qayaasay 100 milyan), kaasoo dhib wayn ku hayey in muddo ah. Dhinaca kale, Masar wax faa’iidda ah oo aad u way uma laha, balse waxaa ka degaaya culeyska “Biyaxireenka Aswan.”

In badan ayey Itoobbiya, Sudan, Kenya, Uganda iyo Tanzania ka cabanayeen saamiga xad dhaafka ah ee Masar loo qoondeeyey (54 billion cubic meters of water), kaas oo ku salaysan heshiis gumeystihii Ingiriiska gaaray 1929 – 1959, walow Itoobbiya aysan wakiil amase weerba ku lahayn heshiiska xuquuqdeeda lagu dafirayay.

Teeda kale Masar biyaha ay qaadato in ka badan 79% waxay harqiyaan dhul beereedkooda. Habka waraabka beeraha Masar waa isla kan qadiimka ah ee laga adeegsado Soomaaliya oo “keliyada iyo biya-daad” ku dhisan, habkaas oo lumiya 60% biyaha, waana hab u daran dhulka beeraha qudhiisa. Masar waxey ku khasban tahay inay ka gudubto habka duugga ah, ayna adeegsato hab casri ah oo beekhaamiya waraabka sida “sprinkler irrigation and dreep irrigation” oo adeegsada tubooyin ama dhuuman.

Qiimeyn ay dhawaantaan sameysay “International Crisis Group,” ayey ku sheegtay in saddexda dal ay gaari karaan heshiis, haddii ay magacawdaan dhexdhexaadiye ay ku wada kalsoon yihiin. Haddaba, haddii aan dib ugu noqonno mas’aladayadii, Soomaaliya ma laga yaabaa inay dhex dhigto Itoobbiya, Sudan iyo Masar heshiis nabadeed oo taariikhi ah?

Muqdisho waxay ku dhiirratay inay Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre u dirto magaalada Addis Ababa, xilli dowladda Itoobbiya ay ka walaacsan tahay mowqifkeeda Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, si meesha looga saaro male-awaale iyo shaki. Arrintu waxay u gudbi lahayd xiisad diblomaasiyeed, haddii Itoobbiya ay ergo u soo diri lahayd Soomaaliya.

Mudane Khayre wuxuu ku guuleystay inuu durbaba maareeyo arrinta, islamarkaasna hanto kalsoonida deris wanaaga Addis Ababa, si khilaafka webiga Niil xal loogu raadiyo. Taas waxaa u daliil ah, wareysiga Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobbiya Gedu Andargachew ee uu ku sheegay in “Soomaaliya iyo Jabuuti si wadajir ah ugu baaqeen xallin laba-geesood ah, oo guul u ah labada dhinac” (The Reporter Ethiopia – 21/03/2020).

Si kastaba ha ahaate, Soomaaliya ma laha awood diblomaasiyadeed oo ay ku cadaadiso dalalka iskhilaafsan, mana heysato taageero farsamadeed oo ka kooban koox xeeldheere yaal ah oo arrinkan kala taliya. Sidaas awgeed, dowladda Soomaaliya waa inay si taxaddar leh ugu bandhigtaa saddexda dal, in doorkeedu ku kooban yahay kaliya hawl fududeeynta nabadeed, balse aysan noqon karin dhexdhexaadiye ku saleeysan garsoor cilmiyeeysan.

Xagaagii 2018, Soomaaliya waxay ku guuleysatay iney u kala dabqaado dalka Jabuuti iyo Eritrea oo aan wax diblomaasiyad ah ka dhaxeyn jirin in muddo ah, khilaaf soo kala dhexgalay awgeed. Inkastoo guushaas diblomaasiyadeed aan loo aqoonsan dowladda hadda jirta, haddana heshiisiinta dalalka is khilaafsan waa waajib damiiri ah, mustaqbalkana usoo hooyi kara nabad Geeska Afrika, taasoo dan u ah ummadda Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response