Sheekh Shaakir : oo sheegay in uu ka soo horjeedo gudniinka fircooniga.

by admin | Monday, Aug 20, 2018 | 1020 views

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Sheekir Cali Xassan oo magaalada Dhuus-mareeb kula kulmay Ifrah Ahmed oo ah gabar u olaleysa ka hortaga gudniinka fircooniga, xili ay booqatay hay’adda Ifrah Foundation qoyskii ay ka geeriyootay Deeqa Daahir Nuur oo sababsatay dhiigbax ay ka dhaxashay gudniin lagu sameeyay.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in gudniinka fircoonigu yahay dhibaato weyn oo bulshada ku dhax faaftay, laakiin gaar ahaan dhibkiisa la dareemay kaddib markii ay u geeriyootay Deeqa oo aheyd gabar 10 sano jir ah.

Xubnaha ka socday Ifrah Foundation iyo Hay’ada Global Media Campaing ayaa booqday qoyskii ay ka baxday Deeqa iyaga oo ka xog wareystay sida ay wax u dhaceen, kaddib-na waxaa ay tageen oo la soo tusay xabaasha ay ku aasan tahay.

Faadumo Cismaan Cali oo ah Hooyada dhashay Deeqa ayaa sheegtay in magaca dhabta ah ee gabadheeda uu ahaa Xaawo, laakiin ay iyaga ugu yeeri jireen oo kaliya Deeqa oo ah magaca hadda war-baahintu isticmaasho.

Xamdi Maxamed waxaa ay saaxiibo ahaa-yeen Deeqa mar ay ka hadashay aqoontii ay u laheyd waxaa ay sheegtay in ay aheyd qof ay saaxiibo dhaw ahaayeen mar walbana xoolaha isla raaci jireen gaar ahaan Ariga, waxeyna intaa ku dartay  in ay aad uga naxday warka ku saabsan geerideeda.

Falka ay ku dhimatay Deeqa ay naxdin ku abuuray gabdho badan oo isla deegaan ah kuwaa oo ka cabsi qaba in ay maraan waddadii ay martay saaxiibadeed.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa yiri: Dhacdadan kama dhicin Dhuusa-Mareeb waxaa ay kadhacday deeganka (LA-SOLEY) waxaana idinku boorineyna in aad karun sheegtaan sida wax u dhaceen iyo meesha ay ka dheceen-ba.

Wuxuu kaloo sheegay arrimahan noocan oo kale ah iyo sidii looga hortagi lahaa loo saaray guddi gaar ah , gaar ahaan kiiska dhimashada gabdaha yar.

Taliye Booliis oo gacanta ku haya kiiskan ayaa sheegay in ay soo xireen qofkii falka gudniinka ah sameeyay, islamarkaana ay baaritaan ku wadaan.

Gudniinka ayaa ah caado dhaqameed aan raad ku laheyn shareecada Islaamka, islamarkaana dhibaato caafimaaad ku reebta marka danbe hablaha Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response