Sheekh Shariif oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxda dowladda Soomaaliya

by admin | Sunday, Nov 10, 2019 | 688 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya oo sheegay in maanta ay ku xayirtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in aan loo dul qaadan doonin ficilada dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ku aadan Caburinta Shacabka iyo Madaxdii hore, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabadda ku haboon.

Waxaa uu  ku dhaartay in magaalada xoog looga saarayo madaxda talada heysa haddii aanay joojin ku tumashada sharciga oo uu sheegay inay soo laa laabatay.

“Magaalada laga saaray waxaa joogi jiray oo awood looga saaray mooryaan Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab, marka kuwa jooga ma kuwaas ayaa ka awood badan yihiin, waa maya, wallahi xoog ayaan uga saareynaa magaalada, haddii aanay joojin sharciga ay ku tumanayaan” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed

Like it? Share it!

Leave A Response