Sheekh Shariif oo sheegay in Farmaajo doonayo muddo kordhin una digay{AKHRISO}

by admin | Monday, Apr 12, 2021 | 301 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo xieedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu doonayo in Maanta Barlamaanka ay u sameeyaan Mudo kordhin.
Waxaa uu sheegay in dhowr jeer ay ka digeen muddo kordhin welina aysan aqbaleyn, sidoo kalena dalkaan uu yahay mid ka jilicsan dhinaca, Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda, isla markaana qalalaaso uu sababi karo muddo kordhinta.

“ Waxaan ka digeynaa isku day kasta oo lagu doonayo muddo kordhin sharci darro ah maadaama waqtigii uu ka dhacay Madaxweynaha, goloyaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe, waxaa kaloo nasiib darra ah, iyadoo ay ku beegan tahay munaasabadda Ciidanka Xoogga Dalka ee 12 April in madaxtooyadu isku daydo in ay ku boobto awoodda ciidanka muddo kordhin aan sharci ahayn, taasoo keeneysa in dib loogu laabto dariiqii xumaa ee laga yimid ayuu yiri” Sheekh Shariif.
Hadalka Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa imaanaya xilli Maanta golaha Shacabka ay yeelanayaan kulan looga doodayo arrimaha doorashooyinka, kaas oo dad badan ay sheegeen in laga damacsan yahay middo kordhin.

Like it? Share it!

Leave A Response