Sheekh Umal “Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaano qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen”

by admin | Sunday, Mar 7, 2021 | 441 views

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culumada soomaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa khudbad dheer uu jeedinayay waxa uu kaga hadlay siyaasadda Soomaaliya oo xiligan mareysay meel cakaran isagoo baaq u diray madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday iyo Midowga Musharaxiinta.

Sheekh Umal ayaa si gaar ah kaga hadlay kursi jaceelka, tartanka jagooyinka dalka iyo dhibaatada laga dhaxlo kursi raadintiisa iyo isku dhajintiisa, isagoo sheegay dhibaatada ay Soomaaliya ka soo kabaneyso inuu kursi lagu dagaalamay dhaxalsiisay.

Mar uu sheekha u muuqday inuu si gaar ah ula hadlaya madaxweyaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu yiri “ Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaana qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen ee Muslim iyo Gaal, oo inbadan aad ogsoontahay, sabab ha u noqon kursiga aad isku dhejineyso darteed hal ruux oo Muslim ah dhiigiisa inuu daato”

Waxa uu Sheekha intaa ku daray hadii uu ku adkeysto isku dhajinta kursiga dambiga ay leedahay “ Waxaan kuu xaqiijinayaa hadaa sabab u noqoto hal ruux oo Muslim ah hadii la xagto iska daa in la dilee, Ilaah hortiisa maalinkaa soo istaagto adoo kaligaa oo qaawan adaa Mas’uuliyadeeda qaadi doona ee ku talagal”

Dhanka kale waxa uu Sheekha Yiri” Hadii Kumanaan Sano laguu daayo Nolosha iyo Kursiga, waxaa xaqiiqo ah iney imaan doonto maalin aad ka tagi doonto ama uu isaga kaa tagi doono, maalinkaasna mas’uuliyadiisa ilaah hortiisa ayey kaaga horeysaa.

“Nin xilkas ah oo Mas’uuliyad iyo culeeskeeda dareemaya, maanta kuma dhag dhago kursi Soomaaliyeed, maanta cidayaha kuma dagaalamo si uu kursiga ugu fadhiyo ama uu u fuulo, laakiim xil baan la garaneynin sidiisaba waxa uu yahay, laakiin waxaa ogaataa kursi iyo nolol ma baaqi ahaato” ayuu yiri Sheekha isagoo uu khudbad u jeedinayay Soomaalida ku nool wadanka Kenya.

Sheekh Umal ayaa intaa kadib ugu baaqay Maxamed Farmaajo inuu kursiga ka Tanaasulo isaga oo yiri” Kursiga umaadan dhalan, kulama dhalan ee Umadda Masaalixdeeda u tanaasul oo uga tag, waxbadan ayaa umadda danaheeda looga tagaa, danahaaga qaaska ayaa looga tagaa”

Ugu dambeyn Sheekh Umal ayaa Midowga Musharaxiinta la hadlay waxaana uu u sheegay in kursiga iyo Boqortooyada uu ilaah bixiyo, “dadaal iyo dagaal loo galayna kursiga laasim ma ahan in kursiga lagu gaaro mid aan dadaalin buu ilaah siiyaa”

“ Kursiga waa mid 2 ruux ma qaado, 10 ma qaado, 7-na ma qaado, kursigaa halka qof qaado waa midkii Soomaaliya ay isku dagaashay, waxaan leeyahay luuqada qabyaaladda daaya, hadalka xanafta leh daaya, fitniada kicinteeda ka fogaada, si Mas’uuliyad ku jirta u dhaqma, dalka iyo dadka u tura oo Ilaah ka baqa, waa tii aan ku hogownay ee aan ku burburnay waa laga fogaadaa, waa laga taxadaraa, ka hor tag mooyee kadaba tag maleh, aafada hadey hurto oo holaacdana nin walbo ay saameysaa” ayuu yiri sheekha.

Mar uu ka hadlayay Banaaabaxa ay abaabulayan Midowga Musharaxiinta waxa uu yiri “ Umadaan aad isku keeneysiin aad leedihiin mudaaharaad sameeya, oo saaxadaha iyo banaanada aad isugu keeneysiin, oo Dastuurka noo ogol leedihiin, waxaan leeyahay meesha waa Muqdisho, bishiiba intaas oo qarax ayaa ka dhaca, malintii intaas ayaa lagu dilaa, war kooxa dadka laaya ayaa buuxa, war mid baa ku dhex dhuuman kara oo is qarxin kara, mid baa rasaas ku furi kara, waxaa imaanaya hani a la burburiyo, mudaaharaad lama Kontarooli karo, USA, France iyo UK iyo dowladihii xoogga lahaa ayaa kontarooli waayay, waxa dhici kara dhiiga daadan kara iyo bururka dhici kara, si aad cadaadis u saarto kooxda kursiga heysato waxaan leeyahay halaga joogo”

Like it? Share it!

Leave A Response