Sheybaarka loogu tala galay baaritaanka cudurka Coronavirus oo dalka la keenay{sawiro}

by admin | Wednesday, Apr 8, 2020 | 456 views

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka la keenay sheybaarka loogu tala galay in lagu baaro dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus, iyadoo maalmihii hore baaritaanka loo qaadi jiray dalka dibaddiisa.

Qalabkan oo shalay la soo bandhigay  ayaa wuxuu sahli doonaa in qofka qaba cudurka lagu baaro magaalada Muqdisho, isla markaana natiijadiisa si degdeg ah loo helo.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u howlgelinta sheybaarka dhexe ee qaranka uu ka qeyb qaadan doona in la helo natiijada baaritaanka, iyadoo aan dalka dibaddiisa loo dirin.

Kiisaskii ugu dambeeyay ee dadka laga baaray cudurka Coronavirus ayaa waxaa loo diray magaalada Nairobi, halkaasoo sheybaarka Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO lagu soo baaray, lana keenay natiijada baaritaankaas todobaad kaddib.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal uga jirta ka hortagga cudurka Coronavirus, waxaana cudurkan uu ku faafay adduunka oo dhan, waxaa u dhintay dad kumanaan gaaraya, halka dad ku dhow hal milyan oo ruux uu soo ritay.

Like it? Share it!

Leave A Response