Shir laga yeeshay caqabado amni oo ka jira Gaalkacyo

by admin | Tuesday, Mar 24, 2020 | 493 views

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa kulan ku yeeshay Odayaasha Dhaqanka,Culimada iyo Maamulka degmada,kaas oo looga hadlayaya Amniga Magaalada iyo dhibaatooyin kale ee ka jira.

Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeeyey sida la isaga kaashan karo waxka qabashada xaalada amni ee Magaalad oo dhowr jeer dilal ka dhaceen iyo maandooriyaha Khamriga & Xashishka oo dhibaatooyin badan ku haaya Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidamada Amniga Galmudug oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa waxaa ay sheegeen inay Cullimada iyo Odayaasha Dhaqanka looga baahan yahay inay Ciidamada ku garab istagaan sugida Amniga iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal iyo Duqa degmada Xirsi Yuusuf Barre ayaa waxaa ay sheegeen in tallaabo Sharci ah ka qaadi doonaan dadka isku daya inay khalqal geliyaan Amniga Magaalada Gaalkacyo.

Like it? Share it!

Leave A Response