Shir laga yeeshay fatahaada Wabiga Shabeelle ee Afgooye

by admin | Sunday, Dec 15, 2019 | 620 views

Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayay xaalada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo fatahaad uu ka sameeyey Wabiga Shabeelle.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay qaar kamid ah Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo loo xilsaarey xaalada Gobalka Shabeelaha hoose Gaar ahaan Degmada Afgooye iyo Hay’adaha Deeq Bixiyaasha iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha

Shirka oo Shir gadoominaayey Wasiirka Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa waxaa uga Horeyntii Warbixinta Xaalada Gobalkaasi Gaar ahaan Degmada Afgooye laga Dhaqeystey Gadoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose.

Wasiiro Ku xigeenada Wasaaradaha Gargaarka maareynta iyo masiibooyinka Koonfur galbeed Wasiir ku xigeeenka wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo Wasiirka wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ay tilmaameen in ay muhiim tahay in loo Gargaaro Bulshada ku Dhibaateysan Gobalka Shabeelaha hoose Gaar ahaan Degmada Afgooye.

Hay’adaha Deeq Bixiyaasha Ka howlgala Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegey in ay ku dedaali doonaan sidii Deeq ay u gaarsiin lahaayeen Afgooye si Isku mid ahna ugu gurman doonaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response