Shir looga hadlayo arrimaha argagaxisada oo Nairobi lagu qabanayo

by admin | Thursday, Jul 4, 2019 | 874 views

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, Antonio Guteres, ayaa lagu wadaa in uu Todobaadka soo socdo gaaro Magaalada Nairobi, isagoo halkaasi kaga qeyb geli doono shir ku saabsan ka hor tagga iyo la dagaallanka Argagixisada.

Antonio Guteres, ayaa 10-ka Bishan July, ka furi doono Magaalada Nairobi kulan heer sare ah oo ay Waddamada Gobolka ka yeelan doonaan Arrimaha argagixisada, iyadoo la filayo in uu halkaasi kula kulmo hoggaamiyeyaasha Mandiqadda iyo madax kale.

Mr;Guterres; ayaa sidoo kale la filayaa in uu ka qeyb qaato kulan ay Dhallinyarada Gobolka kaga hadli doonaan ka hortagga afkaarta xag-jirnimada iyo Gacan ka hadalka, sida uu sheegay afhayeenka xoghayaha guud.

Soomaaliya ayaa ka mid ah Waddamada lagu wado in ay shirkaasi ka qeyb gasho, maaddaama ay Dalku ka jiraan kooxo Argagixiso ah, oo ay Dowladda Federaalka oo kaashanaysa Beesha Caalamka iyo QM dagaallo kula jirto.

Like it? Share it!

Leave A Response