Shir madaxeedkii hogaamiyeyaasha Afrika oo furmay

by admin | Sunday, Feb 10, 2019 | 835 views

Shir madaxeedkii 32-aad ee hogaamiyayaasha qaaradda Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Afrika.

Qaxootiga iyo dadka gudaha dalkooda ku barakacay ayaa ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee ay madaxdu ka doodi doonaan muddada uu shirka socdo.

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fatah al Sisi ayaa sidoo kale la wareegi doona xilka madaxtinnimada wareegta ee ururka, isagoo beddeli doona dhiggiisa dalka Rwanda Paul Kagame.

In kabadan Afartan dal oo African ah madaxdooda ayaa ka qeyb galayaa shirka oo diiradda lagu saari doono dhibaatada qaxootiga ee qaaradda Africa.

Sidoo kale waxaa lagu lafa guri doonaa dagaallada sokeeye ee ka taagan dalaka Suudaanta Koonfureed, Jamhuriyadda Afrikada dhexe, Soomaaliya iyo Nigeria oo ay malaayin qof ku barakeceen.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga aya sheegeysaa in Africa ay marti galisay in kabadan rubuc qaxootiga dunida iyo barakacyaasha, kuwaasi oo kor u dhaafaya labaatan milyan oo qof.

Like it? Share it!

Leave A Response