Shir Muqdisho uga furmay midowga musharixiinta madaxweynaha doorashada 2021ka

by admin | Saturday, Nov 21, 2020 | 374 views

Labo iyo Toban musharax oo garabka mucaaradka ah ayaa goor dhaw waxaa uu shir uga furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay uga arrinsanayaan doorashada dalka ee sanadkan 2020-21.

Musharixiintan ayaa waxaa ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qeybgalaya Ra’iisal Wasaarihii hore ee dowladda hadda jirta Xassan Cali Kheyre iyo madaxweynayaashii hore ee dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo dhamaantood ah musharixiin u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka oo socon doona muddo saddex cisho ayaa lagu waddaa in musharixiintan ay heshiiyaan hoggaan ay ku mideysan yihiin iyo in aragti mid ah ay ka qaataan hannaanka loo wajahayo doorashada, iyaga oo dowladda ku eedeynaya in ay waddo qorshe lagu musuqmaasuqaya doorashada xildhibaannada.

Dowladdu wax war ah dhankeeda kama aysan soo saarin dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee socda iyo kulanka maanta u furmay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah oo u badan musharixiin mid walba uu si gaar ah u doonayo in kursiga ugu sarreeya tallaada dalka ee madaxweynaha.

Like it? Share it!

Leave A Response