Shir u dhaxeeya Mas’uuliyiin katirsan DFS & Dowlad Goboleedyada oo ka furmaya Muqdisho

by admin | Tuesday, May 30, 2023 | 184 views

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Wasiirada Caddaaladda dowladda Soomaaliya  iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Kulankaan oo ay qabaneyso Wasaaradda Cadaaladda dowladda Soomaaliya ayaa daba socda kulamadi farsamo ee hore u qabsoomay 21-24 may 2023 oo lagusoo gorfeeyay hawl-gelinta hannaanka garsoorka iyo Asluubta, shuruucda, habraacyada, iyo hababkii loo hirgelin lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macalin iyo Wasiiradda Cadaaladda Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in kulanka ay khudbado ka jeediyaan, iyaga oo kaga hadli doona sida Soomaaliya ay u yeelan karto garsoor cadaalad ah.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa wadamada aan ka jirin cadaaladda dhinaca Garsoorka ah, waxaana jira cabasho ka imaaneysa Shacabka Soomaaliyeed, balse Madaxda Sare ee dowladda ay sheegeen in wax laga qaban doono.

Like it? Share it!

Leave A Response