Shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels oo maanta furmaya

by admin | Monday, Jul 16, 2018 | 940 views

Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo ka mid ah masuuliyiinta shirkan ka qeyb galeysa oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay shirkan in lagu eegayo horumarka ay ka sameysay Soomaaliya, dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

“Shirkan waxaan ka rajeyneynaa inay ka soo baxaan qodobo Soomaaliya dan u ah, maya weli ma arkin wafdi ka socda Somaliland oo shirkan ka qeyb galaya, ka dowlad ahaan intii aan jirnay waxaan gaarnay guulo waa weyn oo dhanka amniga la xiriira.” Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Khudbadiisa furitaanka shirka la filayaa inuu ku faah faahiyo waxyaabaha la taaban karo ee uu dalkan ka qabtay mudadii uu xafiiska fadhiyay

Like it? Share it!

Leave A Response