Shirka Caalamiga Xorriyadda Warbaahinta London ,UK. {sawiro}

by admin | Thursday, Jul 11, 2019 | 791 views

Shalay iyo maanta waxa magaalada London si habsami ah uga socda Shirka Caalamiga ah ee Xorriyadda Warbaahinta kaas oo ay si wadajir ah u marti galinayaan dowladaha UK iyo Canada.

Madaxdowladeed ,ururo caalami ah iyo suxufiyiin ka kala socda in ka badan 150 dal ayaa ka qeyb galaya shirkan oo ujeedadiisu tahay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ama go’aan wadajir ah looga qaadan lahaa difaaca xorriyadda warbaahinta iyo tan hadalka.
Kulanka saaka ayaa ahaa mid aad u xiisa badan waxana fududeynay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee UK Jeremy Hunt ,waxaa kala qeyb galay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Canada haweeneyda lagu magacaabo Chrystia Freeland ,Agaasimaha Guud ee BBC Tony Hall iyo Audrey Azoulay oo ah Agaasimaha Guud ee UNESCO.

Soomaaliya waxa uga qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda Ambassor Axmed Cawad .

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo aan anigu matalayo iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka socdo guddoomiye Maxamuud Xuute ayaa ka mid ah ururada lagu casuumay halkan ee ka qeyb galaya shirka caalamiga ah sidaas waxaa yiri maxamed ibraahim mucalimoo.

 

Like it? Share it!

Leave A Response