Shirka IGAD oo ay heshiis ku kala saxiixdeen dhinacyada isku hayay K/Suudaan

by admin | Thursday, Sep 13, 2018 | 950 views

Magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen madaxda dowladaha ku bahoobay urur goboleedyada IGAD.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka qeyb galay kulankaas oo looga hadlayay colaada Koonfurta Suudaan, oo ugu dambeyn dhinacyadii isku hayay ay ku kala saxiixdeen heshiis.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka mid aheyd dalalkii sahlay inay heshiis gaaraan dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan.

“Aniga iyo wasiiu dowlaheyga waan ka qeyb geli jirnay shirarka lagu dhameynayay xasarada Koonfurta Suudaan, madaxweynaheena sidaas ayaa loogu marti qaaday shirka, madaxda shirka ka qeyb gashay waxay amaaneen kaalinta Soomaaliya ee isbedelada geeska afrika”. Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Madaxda ka hadashay shirka 32-aad ee IGAD oo uu ku jiray wakiilka midowga yurub ayaa amaanay Soomaaliya isbedelka ay ka sameysay dhinacyo badan oo ay qeyb ka yihiin maaliyadda iyo horumaro kale.

Mudo dheer ayuu soo jiitamayay heshiiska dhinacyada Koonfurta Suudaan, waxaana heshiiskan la filayaa inuu soo gaba gabeeyo rabshado badan oo ay ku barakaceen kumanaan qof, halka boqolaal kalena ay ku naf waayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response