Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo Maanta la soo geba-gabeynayo

by admin | Wednesday, Oct 2, 2019 | 551 views

Waxaa Maalintii labaad ka socda Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada  Muqdisho,waxana ka qeyb-galaya Wakiilo ka socda Dowladaha taageera Soomaaliya iyo madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Shalay oo uu shirka furmay ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayeen Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo arimaha Bulshada,iyadoo ay ka qeybgalayaan  wakiillo ka kala socda in ka badan 50 dal,Safiirro iyo shirkado ganacsi oo caalami ah.

Xubno ka socda Wakiilada Beesha Caalamka ayaa shirka khudbado ka jeediyay,waxaana kamid ahaa Wakiilka Uk waxaa uu  Su’aalo ka Keentay dhaqaalaha Al Shabaab ay helaan iyo Dhabayaasha lagu joojin karo dhaqaalahaas oo marar badan ay soo noq noqtay halka wakiil u hadlay Dowladda Faransiiska uu sheegay in caqabado kala kulmaan fulinta Balamaha ay la galeen Dowladda federaalka sida deganaansho Siyaasadeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha Maamulada Hir-Shabeelle iyo koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay Shirka Maanta ku biiraan,isla markaan aay khudbado kala duwna ka jeediyaan.

Qaar kamid ah Maamul Goboleedyada,sida Puntland iyo Jubbaland ayaa shirkaasi qaadacay,waxaana la filayaa in shirka Maanta oo Arbaco ah la soo geba-gabeeyo,isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response