Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo ogolaaday in ay kawada hadlaan Khilaafka ka dhex jira.

by admin | Wednesday, May 27, 2020 | 498 views

Dalladda ay ku mideysan yihiin Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSA ayaa ku baxday daminta xiisad siyaasadeedka ka dhex aloosan Madaxweynaha maamulkaas Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa.

Faysal Axmed Warsame Guddoomiyaha Dalladaas oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay marar kala duwan la kulmeen Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo maalmihii lasoo dhaafay khilaafkooda banaanka usoo baxay.

Waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa xiisadda oo salka ku heyso arrimaha dastuurka, isla markaana ay ka aqbaleen in ay is hor fadhiistaan si ay uga wada-xaajoodaan.

Guddoomiye Faysal ayaa tilmaamay in Bulshada Rayidka ay u istaagtay xal u raadinta khilaafkaan oo ula muuqda in uu gaaray heer sare, nasiib wanaag ayuu sheegay in qayb kamid ah xalka in ay heleen, maadaama ay heystaan damaanad-qaad la xiriira in labaduba ay ka aqbaleen dadaalka ay wadaan.

Khilaafka u dhaxeeya Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu salka ku hayaa badal lagu sameeyay taliyihii ilaalada Madaxtooyada Puntland oo dhanka Karaash ka socday, halka lagu badalay nin uu wato Deni sida Axmed Karaash uu warbaahinta u sheegay.

Isku dayo kala duwan oo horay loo sameeyay ayaa fashilmay, lamina ogo in wada-xaajoodkaan uu raaci doono halkii uu maray wada hadalkii hore iyo in kale, balse Dalladda PUNSA waxa ay muujisay rajo aad u weyn oo ah in labada dhinac ay is hor fadhiistaan, kana wada hadlaan waxyaabaha ay kala tirsanayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response