Sida lays ku waafajin karo sharciga hanti-dhowrka, dastuurka, iyo sida shaqada dowladda hadda ay tahay

by admin | Tuesday, Dec 3, 2019 | 588 views

Sharicga Hantidhowrka waxaa soo gubiyay golaha wasiirada, Golaha Shacbiga, hadana waxaa uu hada layaal Golaha Aqalka Sare. Waxaa aan waraaqdaan usoo qoray talo bixin aan ka waramayo sida dowladu hada u shaqayso, sida Baarlamaanku soo gubiyay ama oo Dastuurka ku meelgaarku qabo iyo tolo bixin sidi laysku waa fajin lahaa habdhaqanka toosan ama ugu fiican ee ay aqbali karaan Bangiyada aduunka, IMF, World Bank, deeq bixiyaasha ama deyn cafiyaashu naga sugin. Waxaa aan halkaan ku iftiimin qodobo muhiima oo ah taariikhda Hantidhowrka sida loo shaqaalaysiiyo hantidhowre, shaqada looga qaado iyo Mabaadiida Hantidhowrka. Arimahaani waxay la xiriirtaa madax banaanida Hantidhowrka waana arimaha ugu mihiimsan sharcigaan.

MABAADIIDA HOGAAMINAYSA HANTIDHOWRKA GUUD WAA MADAXBANAANI

Qaabka loo magacaabo waa mabda kamida mabaadiida qeexin madaxbanaanida hantidhorka. Waxaa uu Dastuurka Qodobka 114aad uu tilmaami in uu xafiiskaani madaxbanaan yahay. Sidoo kale sharciga hantidhowrku waxaa uu tilmaami in uu umadax banaan yahay howlihiisa Dastuurigaa. Waxaa ku cad sharciga Handtidhowrka in uu shaqadiisa u guto si daafuran, madexbanaan, uuna wood uleehayay inuu gali karo meel kasta oo kamida Soomaaliya.

Waxaa muhiima in Hantidhorku leeyahay miisaaniyad uu ku shaqeeyo uuna u madax banaan yahay, xafiiskuna diyaarsado. Hantidhowrku waxaa uu hoos imaan oo u gudbisan miisaniyadiisa gudiga Maaliyada ee Baarlamaanka kadibna Baarlamaanka guud baa ansixin miisaaniyada Hantidhowrka Guud. Hantidhowrka Guud waxaa uu warbixintiisa siinayaa Madaxweynaha, Baarlamaanka, iyo Raisul Wasaaraha iyo Gudiga Maaliyada oo si hoose ula shaqeeya

YAA MAGA QAABIN HANTIDHOWRKA GUUD?

Ugu horeyn waxaa cad marka lafiiriyo Qod. 117aad ee Dastuurka ku meel gaarka inuu Madaxweynuhu magacaabin Hantidhowrka Guud, saraakiisha sarsare, markuu latashado Golaha Wasiirada).  Waxaa kale oo Qod 90aad (K) Dastuurka ku cad in Madaxweynuhu magacaabin Hantidhowrka Guud, saraakiisha sarsare waana awooda Madexweynaha. Talada taala waa sidee laysku waafa jinkaraa mabaadiida caalamigaa ee hantidhowrada, Dastuurkeena, iyo sida hada shaqada dowladu u socoto.

FIKRADAYDA-Anigoo soo koobin waxaan tusaale usoo qaadan wadanka Liberia oo dhawaan dayn cafinta dhaafay. Waxay leeyihiin gudi loo magacaabo oo usoo gudbiya sadex qof (short list) Madaxweynaha. Madexweynaha ayaa waxaa uu kala bixin hal qof kadibna waxaa uu latashan Baarlamaanka ayadoo ayna ahayn in codloo qaado oo talo kaliya ah. Kadibna Madexweynaha ayaa Maga caabin. Su’aashu u baahan in layswaydiiyo waa sidee laysku waafajin Dastuurkeena iyo in talo ay ku yeeshaan baarlamaanku. Waxaan aan fikir ahaan soo jeedin in sida ku cad Qodobka 90aad Xarafka (K) ee ah in Golaha wasiiradu soo gudbiyaan Handtidhowraha kadibna Madexwaynuhu magacaabin kadib markii uu la tashado Gudoonka Labada Aqal ama Baarlamaanka. Tani waxay is waa fajin Dastuurka Kumeelgaarka iyo sida Hantidhowrada aduunku yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response