Sidee Loo Xaliyaa Mashaakilaadka? (Q-1aad) By: Sh.Cabdulkhaaliq Jaamac Ismaaciil

by admin | Sunday, Dec 13, 2020 | 566 views

Waxaa hubaala in qof kasta oo ku nool dunida guudkeeda ay soo food saarayso dhibaatooyin ama caqabaad ka hor istaaga inuu gaadho hadafkiisa ama ujeedadiisa, aalaabana waxay mashaakilaadku ka hor yimaadaan dadka leh ahdaafta kuna mashquulsan sidii ay u xaqiijin lahaayeen ugana midha dhalin lahaayeen himilooyinkooda. Waxaan odhan karnaa qof aan hadaf lahayn waxaa Mushkilo iyo dhib ugu filan inuu nool yahay hadaf la’aan.
Lama soo koobi karo mashaakilaadka qofka binu aadanka soo foodsaaraya nooca ay yihiin iyo siday u dhacayaan, waxa isaga mushkilada ku ah ama uu u arko inay mushkilad ku yihiin. waxaaba dhacda in dad badan waxaan mushkilad ahayn ula muuqato inay tahay dhib weyn oo aan laga talaabi Karin. Inta badan dhibaatooyinku waxay qofka kaga imaan karaan  dadka uu la dhaqmayo, deegaanka uu ku nool yahay, shaqada uu hayo, ujeedooyinka uu doonayo inuu gaadho amaba waxay noqon karaan dhibaatooyin la xidhiidha shaqsi ahaantiisa sida caafimaad daro, dhaqaalo xumo, amni daro iwm.

Hadaan tusaale ahaan u soo qaadano Deegaanka waa arrin qof kasta oo soomaali ahi  fahmi karo dhibta haysata dhulkeenii iyo ummaddeenii waxaan odhan karnaa waa dhib saamaysay qof kasta oo soomaaliya, sababtay dhibaatooyin baaxad leh oo dhakafaar & jahawareer ku noqotay caalamkan aan ku noolnahay. Miyaanay ahayn mushkilad taagan oo u baahan in laga gaadho xal waara?. Hadiise ay sii socoto dhibtani saameyn intee le’eg ayey ku yeelan kartaa Mustaqbal keena& Jiritaankeenaba.

Mashaakilaadku  waxay noqon karaan kuwo adiga kugu gaar ah waxayna noqon karaan kuwo  aad la wadaagto bulsha weynta aad la nooshahay, waxay noqon karaan kuwo culus oo u baahan ka baaraandag fara badan, waxayna noqon karaan kuwo  sahlan oo si fudud looga talaabi karo, haddii la fahmo sida loo furdaamiyo dhibaatooyinka. Akhristow waxaa suura gala in qofku xaliyo dhibaatooyinka soo food saaray isagoo raacaya tusmooyin aan dib ka sheegi doono. Aalaaba dadka raaca Tusmooyinka aan xusi doono insha Allaah waxay ku guulaystaan inay xaliyaan kana  talaabaan arrimahan soo wajahay ee u baahan in la furdaamiyo iyagoon dhibtoodii dhib kale ku badelin ama aan ismoodsiin inay wax xaliyeen iyagoon xalba gaadhin.

Akhristow waxaa suurowda in qofku khibrad iyo waayo aragnimo ka helo dhibaatooyin uu kala kulmay sooyaalka nolasha. Waxaad in badan maqashaan iyadoo la leeyahay arrinta ruug caddaa & Odayaal ha loo geeyo maxay tahay sababtu?. Sababtu waa iyagoo la soo kulmay dhibaatooyinkan  kuwo la mida kana soo dhaxlay khibrad iyo waayo aragnimo, sidaa darteed ayaa dadka ku dhaqan wadanka Shiinaha waxay mushkilada u yaqaanaan “Fursad” sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay tahay jaanis lagu kasbado khibrad iyo waayo aragnimo. Ujeedada aan ka leenahay qoraalkan waa inaan iftiimino wadada loo maro in la xaliyo mashaakilaadka, soona bandhigno qaabab inagu caawin kara in aan si sahlan uga gudubno dhibaatooyinka.

Waa Maxay Mushkiladi?

Mushkiladu waa duruufaha adag ee ku soo waajahaya kuuna diidaya  inaad ka guurto duruuf aad la nooshahay una wareegto marxalad kale, ama waa caqabaatka kaa hor istaaga inaad xaqiijiso himilooyinkaaga, caqabaatkaas oo saamayn ku yeelanaya jiritaankaaga, qorshahaaga iyo fikirkaagaba .

Dhib Kastaa Ma Sharbaa?

Mushkilad kastaa maaha shar badhax la, ee waxaa jira dhibaatooyin badan oo laga yaabo inay mustaqbalkaaga anfacaan, aadna ka hesho faa’idooyin aad u aydo. Tusaale ahaan qofka ardayga ah waxaa laga yaabaa inay soo gaadho dhib fara badan inta uu ku jiro halganka waxbarashada iyo duulaanka qorshaysan ee uu ku qaaday jahliga. Waxaaba se suurawda in waxbarashadaasi fure u noqoto mustaqbalkiisa oo dhan, ilowsiisana wixii dhib ahaa ee uu la soo kulmay xiligii ardaynimada. Boqor ka mida boqoradii shiinaha ayaa laga hayaa inuu yidhi:

*Dhibtu Waa Furaha Fakarka

*Fakarkuna Waa Furaha Aqoonta

*Aqoontuna waa Furaha Farxada & Guusha
Qaybaha Mushkiladaha:

Mushkiladuhu waxay u qaybsami karaan dhowr qaybood oo kala ah:

kuwo soo jireena oo muddo soo jiitamayey iyo kuwo uguba (cusub) oo adiga iyo bulshadaba ku cusub, waxay noqon karaan kuwo ku dhashay si kadis ah oo lama filaana iyo kuwo la filayey inay dhacaan, waxay noqon karaan kuwo sababahooda la fahmi karo iyo kuwo ay adag tahay in la garto sababaha keenay, waxay noqon karaan kuwo soo noqnoqda iyo kuwo mar uun dhaca. Fahanka aan fahano nooca mushkiladu tahay waxay inaga caawin doontaa marka aan doonayno inaan guda galno sidii aan u xallin lahayn dhibaatooyinka aan rabno inaan furdaamino.
Tusaale ahaan wuxuu farqi weyn u dhaxeeyaa mashaakilka ugubka ah iyo kuwa soo jireenka ah, waxaa suurowda kuwa soo jireenka ah in la isku dayey marar hore xalkooda taasi waxay inoo fududaynaysaa inaan halkaa ka bilowno ama tixraacno maadaama aan fahanay in mushkiladani tahay soo jireen oo aan isweydiino Su’aalahan soo socda:

Muxuu ahaa xalkii la isku dayey si loo xaliyo mushkiladan?. Imisa jeer baa la isku dayey in la xaliyo?. Maxay ahaayeen wadooyinkii loo maray xalinteedu?. Maxaa ka hir galay isku daygaa?. Maxaa sababay inaan laga gaadhin xal?. Imisa xal baa lagu dayey? Yay ahayd cidda doonaysay inay xaliso?. Maxay u adeegsadeen xallinta mushkiladan?. Dhaqaale iyo wakhti intee le’eg baa ku baxay isku daygaa?. Maxay yihiin sababaha saacidaya inay sii jirto mushkiladani? Yaa xalka qayb ka ah yaase mushkilada qayb ka ah?.

Su’aalahan iyo kuwo la mida waxay ka dhalanayaan marka aan ogaano in mushkiladani tahay mid muddo soo jiitamaysay. Waxaa ka gadisan su’aalaha aan is weydiinayno hadaan ogaano in mushkiladani tahay mid uguba oo cusub.

Sidee Loo Wajahaa Haday Mushkilo Kula Kulanto:
Walaalkayga qaaliga ahow haddii Mushkilo kula soo daristo waxaad u baahan tahay inaad qaado taallaabooyinkan soo socda si aad xalka u gaadho.

Fahan Mushkilada:

In badan waxaa dhacda in aanu qofku fahmin mushkilada iyo meesha ay ka jirto taasi waxay keentaa in marar badan xalka laga raadiyo meel aanu jirin amaba la abuuro dhib kale iyadoo baadi doon loogu jiro sidii wax loo furdaamin lahaa, sidaa daraadeed waxaad u baahan tahay inaad fahanto dhibtu meeshay ku jirto iyo meeshay kaa jirto .

Dhiraandhirinta Mushkilada:

In badan dhibtu waxay leedahay muuqaallo badan oo ka sokeeya gunteeda iyo salkeeda ayna adkaato marar badan in la xadido mushkiladii, sidaa darteed waa inaan dhiraandhirinaa mushkilada si aan u gaadhno gunteeda. Tusaale ahaan maanta wadankeenii waxaa haysta dhib lixaad leh, Maxaa sal u ah dhibkan.

A. Ma jahlibaa?

B. Ma qabyaalad baa?

C. Ma faqribaa?

D. Ma dhul yaraan baa?

E. Ma gacan shisheeyaa?

F. Ma tayo daraa?

G. Ma hogaan xumaa?

H. Ma ismaandhaaf baa?

Dhiraandhirintan iyo isbarbardhiga aan ku samaynayno aasaaska mushkilada waxay inoo sahlaysaa inaan garano salkeeda, markaana abaarno gunteeda, xoogana isugu geyno sidii aan jiridaha ugu siibi lahayn.

Faraaryaha Mushkilada (Faraaqyo):

Ogow walaalkayow in mushkiladu yeelato faraaryo, loolanka lala galo faraaryaheedana kama dhalato in laga gaadho xal iyo daawo lagu xasilo, sidaa daraadeed waa inaad kala garan kartaa gunta mushkilada iyo faraaryahan ay yeelatay. Tusaale ahaan marka qof uu ku dhaco xanuunka malaariyada waxaa la soo darsa madax xanuun, matag, xumad, af qadhaadh iwm.

Hadaba haddii qofkaa aad siiso malab ama sonkor si aad uga daawayso af qadhaadhka ma ku daawoobayaa?, waxaa cad inaadan  garan guntii mushkilada ee waxaad tahay qof qarda jeexa lana tacaalaya faraaryihii mushkilada iyo muuqaal ka mida muuqaaladeedii, sidaa daraadeed waa inaad kala garan karto dhibta kuu muuqata iyo meesha ay salka ku hayso.

Taariikhda Mushkilada:

Taariikhdu waa arrimaha ugu muhiimsan ee lagaaga baahan yahay inaad daraaseyso, kana qiyaas qaadato marka aad rabto inaad qadiyad xal ka gaadho. Tusaale ahaan waxay dhibi dhex martay nin iyo haweenkiisii waxaana kala gaadhay halgaad iyo hadal xun, adna waxaad isu diyaarisay inaad soo afjarto khilaafkan ku habsaday qoyskan muslimka ah. Hadaba si aad wax badan uga fahanto dhacdadan waa inaad Raadraac ku soo samayso heerarkii uu khilaafkoodu soo maray iyo mudada uu soo qaatay. Xog raadintaas & baadi doonkaa taariikheed wuxuu kuu sahlayaa inaad hesho macluumaad qaali ah oo kaa caawiya xal u helista dhibtan. Akhrinta aad akhriday taariikhda ay isla soo mareen labadan lamaane waxay kuu bidhaaminaysaa in ka badan 40% si aad xal  u gaadho, waxayna gogol xaadh u noqonaysaa go’aanka aad qaadan doonto, sidoo kale waxaad heli doontaa meesha ay dhibtu ka jirto, waxa khaldamay iyo sidey u khaldameen.

Baaxadda Mushkilada:

Waxaa la arkaa inaan dhibaatooyinku isku baaxad ahayn ama cidda ay khusaysaa kala badan tahay. Waxaan sinayn dhibta taabata hal qof iyo ta taabanaysa ummad fara badan, sidoo kale waxaa kala gadisan dhibta saameyn karta jiritaankaaga iyo ta aad maalmo ku dhibaatoonayso. Hadba inta ay le’eg tahay baaxada mushkiladu ayaa lagu jaan goynayaa xalka lagu dayayo, sidoo kale haday mushkilada baaxadeedu balaadhato waxaa la siyaadaya wakhtiga la gelinayo iyo wasaa’isha loo isticmaalayo furdaaminteeda. Hadaba haday dhacdo inaan mushkilada sawir fiican laga qaadan waxaa hubaala in xalka lagu dayayaana aanu munaasib noqon, sidaa daraadeed waa in la qiimeeyaa mushkilada, lana fahmaa baaxadeeda.

Sababaha Mushkilada Dhaliyey:

Inta badan Mushkiladuhu waxay leeyihiin asbaab dhalisay oo keentay mushkiladan. Hadaba marka la rabo in mushkilad la furdaamiyo waa in si fiican loo fahmaa sababkii keenay. Garashada aan garanay sababka keenay arrinkan waxay si fiican inooga caawin doontaa marka aan rabno inaan xalka guda galno. Hadaba haday dhacdo inaan si dhaba loo garan sababka, waxaa aad u adkaanaysa in lagu guulaysto xalka munaasibka ah.

Go’doominta Mushkilada:

Marka mushkiladi dhacdo waxaa loo baahan yahay in la xakameeyo lana go’doomiyo si aanay u fidin uguna tallaabin meelo kale. Taasi waa ta keentay in qofka marka uu ku dhaco xanuunada qaar ka mida  in la karantiimeeyo lagana fogeeyo bulshada inteeda kale iyadoo looga dan leeyahay inaan xanuunkani baahin, gaadhina dad caafimaad qaba. Taa micnaheedu waa in la hakiyo mushkilada, laguna cidhiidhiyo dhabada & dariiqa loona diido inay fido.

Qayb-Qaybinta Mushkilada:

Waxaa dhacda marar badan in mashaakilku is dul fuulaan una ekaadaan inay yihiin mushkilad qudha laakiinse marka aad si dhaba u eegto waxaa suurowda inay yihiin mashaakil isu tagay oo u baahan in la kala qaado oo la jajabiyo, una baahan in marba mid la xaliyo, loona kala hormariyo sida xalkoodu u kala dhow yahay ama u kala muhiimsan yihiin, amaba waxay noqon kartaa hal mushkilo oo u fidday dhinacyo badan, una baahan in qayb kasta sideeda loo xaliyo.

Buunbuuninta Mushkilada:

Waxaa dhacda wakhtiyo badan in la buunbuuniyo mushkilada lagana saraysiiyo heerkeeda, taasi oo keenta in wax sahlan oo si fudud looga tallaabi karo laga dhigo qar & buur aan la dhaafi Karin, sidaa daraadeed waa inaan la buunbuunin mushkilada lana dhaafin xadkeeda & heerkeeda.

Ictiraafka Mushkilada:

Insaanka marar badan waxaa dhacda inay adkaato inuu  ictiraafo in mushkiladi jirto kuna doodo inaanay waxba khaldanayn wax welibana sidii loogu tala galay ay u socdaan.Taas macnaheedu waa inay mushkiladihii is dul fulaan dabadeedna midba mid kale looga tallaabo ay gaadhaan xilli aan waxba laga qaban Karin, sidaa darteed waa in la ictiraafo lana dareemo markay mushkiladi jirto, sababtoo ah in ibnu aadanku wax khaldo waa arrin dabiici ah laakiinse waxaa  ceeba in lagu sii socdo mushkilada.

Abbaarista Mushkilada:

Fulaynimada way qaybo badan tahay dadka qaarna waxay ku keentaa inay karti u waayaan inay wajahaan mushkilada ama ay abbaaraan arrimahan culayska badan ee hortooda ka muuqda. Hadaba haddii ay dhacdo in laga warwareego mushkilada waxay keentaa inay gaadho heer aan waxba laga qaban karin amaba uu xalkeedu libdho oo uu fogaado, sidaa daraadeed waa in mushkilada la wajahaa loona abbaaraa si ay geesinimo ku dheehan tahay.

Ka Hortagga Mushkilada:

Haddii ay muuqato in mushkiladu soo socoto waxaa fiican in lagu dadaalo wakhtina lagu bixiyo sidii loo baajin lahaa loogana hortegi lahaa, sababtoo ah ka hortagga ayaa ka fiican in lagu daalo sidii mushkilada loo xallin lahaa. Walaalkayga qaaliga ahow waxaan ku weydiiyey haddii uu abuurmo jawi dagaal ma waxaa fiican inaan isku dayno inaan dagaalkaa baajino mise waxaa haboon inaan sugno inta wax ka dhacayaan ka dibna aan xal raadino?

Arrimo Lagama Maarmaana Inta Aynaan Xalka Guda Gelin:
Waxaa jira arrimo lagama maarmaana oo loo baahan yahay inaad Maanka ku hayso ama aan odhan karno waa lagama maarmaan inaad xusuusnaato inta aadan guda gelin tallaabooyinka lagaaga baahan yahay inaad qaado marka aad rabto inaad dhib furdaamiso si aad xal u gaadho:

1. Ha qaadin wax ficila markiiba haddii aanay arrintu ahayn arrimaha waaweyn ee u baahan in go’aan degdega laga qaato, sida xaaladaha dagaalka.

2. Waxaad ogaataa xalka oo lagu degdegaa wuxuu sababaa inuu lumo wakhti badan, juhdi badan iyo inuu abuuro mushkilad cusub oo hor leh .

3. Wakhtigu wuxuu  qayb weyn ka yahay xalka, hadaba hadaan xalka la siin wakhti ku filan waxaa suurowda inaadan gaadhin natiijo ku farax gelisa.

4. Ogow xalka oo la isku dayo inay ka horayso daraaso, daraasadu waa bar bilowga xalka.

5. Waa inaad kala garato fahantana farqiga u dhaxeeya waxa suuro galka ah iyo waxa haboon ee ay tahay inaad samayso. Taas macnaheedu waxa weeye markasta inaad tallaabsato inta aad socon karto ee suura galka ah, isna weydiisu inta awoodaadu gaadhsiisan tahay. Hadaan si kale u nidhaahno waa inaadan go’aankaaga ku dhisin waxa aad jeceshay, laakiin waa inaad ku dhistaa waxa hortaada yaala ee suuro galka ah.

6. Waa inaad isku kalsoon tahay aaminsan tahayna inaad xalka gaadhi karto kana gudbi karto dhibkan isaga ah.

7. Si aad xalka u gaadho xusuusnow inaad u baahan tahay:

A. Qof Munaasiba

B. Meel Munaasiba

C. Wakhti Munaasiba

8. Waa in go’aanku adiga kaa go’aa arrimahan aad doonayso inaad xalisana waa inaadan go’aankeeda cid kale u daba fadhiyin.

9. Waa inaad la timaado dhabar adayg, sabir iyo dul qaad kuu sahla inaad ku sii socon karto wadada xalka loo marayo.

10. Waa inaadan mushkilada xal ugu dhigin inaad dhib ka sii weyn abuurto.

11. Waa inaad ilaahay u talo saarataa arrimahan aad rabto inaad xalka ka gaadho.

WQ: C/Khaaliq Jaamac Ismaaciil

Like it? Share it!

Leave A Response