Belgium oo looga dhawaaqay maalin baroordiiq ah

by admin | Wednesday, Jul 21, 2021 | 339 views

Belgium ayaa qabanaysa maalin baroordiiq ah oo lagu xusuusanayo 31 qof oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen daadadkii waddanka ku soo rogmaday todobaadkii hore. 70 kale ayaa weli la la’ yahay.
Calanka ayaa duhurnimadan maanta hoos loo dhigayaa, waxaana is qabsanaya dhawaaqa wiishashka ka hor inta aan la oogin daqiiqad aamusnaan ah.

Ugu yaraan 120 qof ayaa ilaa haatan la ogyahay inay ku dhinteen daadadka ku dhuftay galbeedka Yurub, kuwaasi ayaa intooda badan ku dhintay Jarmalka.
Tan iyo markii ay daadadku dib u soo laabteen, boqolaal of ayaanan geeri iyo nololba lagu haynin.
Dhanka kale Saynisyahanada Cimilada ayaa qirtay inay ku guuldareysteen saadaasha heerka ay gaarsiisan yihiin daadadka ku dhuftay Jarmalka iyo Kuleylka daran ee Waqooyiga Ameerika.
Waxay sheegeen in kombuyuutarro aad u awood badan ay lagama maarmaan yihiin si loo saadaaliyo cimilada daran ee isbadbadesha.

Like it? Share it!

Leave A Response