SIR LAGA HELAY: Sababaha keenay in Xilka laga qaado C/casiis Xildhibaan oo la soo Bandhigay

by admin | Wednesday, Jul 11, 2018 | 974 views

Bilihii ugu dambeeyay waxaa warbaahinta uu wajigiisa caan ka noqday Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa sheegay in uu xilkii afhayeenka aniga iska casilay oo ahaa afhayeenka wasaaradda amniga ee dowladda federaalka, wuxuuna warbaahinta kasoo hormuuqan jiray markasta oo ay dhacaan falal amniga lid ku ah ama marka hawlgal la sameeyo

Balse shalay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka iyo waliba la taliyenimada laga qaaday Cabdicasiis.

 

Hase yeeshee Cabdicasiis oo laftiisa hadlay ayaa sheegay in 5tii bishan July uu gudbiyay istaqaaladiisa, isaga oo sabab uga dhigay kadib markii uu dhacay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday wasaarada amniga.

 

Hadalkii la qoonsaday?

Xil ka tagistiisa ma ahayn mid kadis ku dhacday, waxayse ahayd arrin la filan karay kadib markii hadalo siyaabo kala duwan loo fasirtay uu warbaahinta ka sheegay Cabdicasiis Xildhibaan.

 

Isaga oo meel fagaaro ka hadlayay, lana hadlayay dhalinyaro caasimadda ku sugan, ayuu Cabdicasiis su’aal galiyay sida dowladda uga go’antahay sugista amniga “Sidee suurtogal ku noqotey in baabuurkaasi meesha soo gaaro?, la isma weeydiinayo” ayuu yiri Cabdicasiis oo ka hadlayay qarixii ka dhacay xarunta Otto Otto ee ay dadka ku dhinteen.

 

Halkaasi kuma uusan sii ekeyn hadalka, waa uu sii waday, wuxuuna yiri “Waxaan ka imid goob ka xasiloon, goob ka gaadiid qurxoon, ma rumeynaysaan afhayeenkii wasaaradda amniga ayaan ahay, 11 bilood wax mushaar ah maanan qaadanin, waxaan u shaqaynayaa, nafteydana u hurayaa in ay dadkayga badbaadaan”.

 

Biilka Boqoradda Ingiriiska

 

Cabdicasiis Xildhibaan waxa uu heystaa dhalashada dalka Ingiriiska, halkaas oo uu u degenyahay reerkiisa, wuxuuna yiri “Waxaan ahay aabbe, 10 carruur ah ayaa ii joogta, midka ugu yarna uu labo jir yahay, waxaan rabaa in ay ogaadaan asalkayga meesha uu kasoo jeedo, dal in ay leeyihiin, maanta uma baahna Soomaaliya, haddii aan dhinto xitaa boqorada (Ingiriiska) ayaa bixinaysa biilma ilmahayga”.

 

Hadal loo fasirtay in uu ugu duurxulayay mas’uuliyiintadowladda federaalka ayaa ahaa “Tuugo boorsooyin wata haddii aad doorataan maalin kasta oo idinka adeeganaysa, canshuurta idinka qaadaysa, uusana jirin wax adeeg dadweyne ah 30 sano ee lasoo dhaafay, aniga afhayeenka amniga ayaan ahay, ima weeydiinaysaan sida uu qaraxa ku dhacay, aniga subax kasta waan idin soo hortaagnahay, hoggaamiye kii xishoodo waaye, haddii ay guuldaro timaado waa in uu yiraahdaa hawshii aan ummadda u hayay waan ka tagay, weli ma aragteen mid is casilaya”.

 

Cabdicasiis Xildhibaan aragti ayuu ka qabaa mas’uuliyiinta uu isaga ka midka yahay ee baasaboorada ajniga heysta, ee xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri “Aniga qabiil ma ahi, beri haddii ay xabad dhacdo garoonka ayaan ka baxayaa, baasaboor ayaan wataa, adiga ma dhoofi kartaa?, marka nin baasaboor kale wata ha yeelina in uu idin soo hor istaago, maslaxada ummaddani kuma jirto”.

 

Madaxda ugu saraysa dowladda oo ay ka midyihiin madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha iyo inta badan golaha wasiirada iyo xildhibaanada ayaa haysta baasabooro dalal kale ah.

 

Lama oga in hadalkaasi qayaxan ee Afhayeenka la qoonsaday iyo in kale , sidaasina xilka looga qaaday, mise ahan afhayeenkii ugu horeeyay ee xilka laga qaado.

 

Ninkii xilkaas kaga horeeyay Axmed Carab ayaa sheegay in uu xilka iska casilay kadib markii uu u dulqaadan waayay xil gudasho la’aanta laamaha amniga, balse wasaaradda amniga ayaa xilligaas sheegtay in ay xilkii ka qaadday Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Carab).

 

Amniga Caasimadda

 

Xil ka tagista afhayeenka, ahaana la taliyaha wasaaradda ayaa waxa ay toosh ku ifinaysaa amniga caasimadda, halkaas oo dowladda federaalka la tacaalayso sidii ay u joojin lahayn falal amni daro oo soo noqnoqday, kana midyihiin qaraxyada ismiidaaminta ah oo kii ugu dambeeyay uu dhacay maalmo ka hor.

 

Waxaa magaalada ka hawlgala ciidamo lagu magacaabo xasilinta caasimadda, waxaana madax ka ah Prof Yaxye Ibraahim oo ahaa bare jaamacadeed, waxaana loo xil saaray in magaalada Muqdisho ay kusoo celiyaan amniga iyo kala dambeynta.

 

Inkasta oo lagu amaanay in ay qabteen hawlo badan, qaraxyadiina hoos u dhaceen, haddane weli si dhab ah looguma guuleysan in si rasmi ah loo joojiyo, waxaana dhaca falal amni daro iyada oo weliba ay shacabka ka cabanayaan waddooyin laga xiray, kuwaas oo ay dowladda ku fasirtay in arrimo amni sugis dartood loo xiray.

Like it? Share it!

Leave A Response