SIRDOONKA SOOMAALIYA OO BILAABEY ADEEGSIGA TECHNOLOGY-YADA CASTIGA AH

by admin | Thursday, Sep 12, 2019 | 542 views

Hay’ada Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa laga dareemayaa dib u kabasho xoogan iyo horumaro lataaban karo.

Hay’ada NISA ayaa lasheegey in ay hada Gaartey xeerkii ugu wanaagsaneyd wixii kadanbeeyey 1991 markii ay meesha ka baxdey Dowladii dhexe ee soomaaliya.

9-kii bilood ee lasoo dhaafey ayaa lasheegey in hay’ada NISA ay sameysey horumar lataaban karo ayadoo dib u habeyn xoogan lagu sameeyey guud ahaan laamaha hay’ada iyo shaqooyinkeeda oo qaab hufan laa diyaariyey.

Sargaal katirsan hay’ada NISA ayaa sheegey in sirdoonka soomaaliyeed ay maanta adeegsadaan technology-da casriga ah ee isticmaalaan wardoonada caalamka ugu hormarsan.

Ciidanka sida gaarka u tababaran ee NISA ayaa kordhiyey howl galo qorsheysan kuwaas oo lagu bartilaameedsado shaqsiyaadka qatarta ku ah amaanka qaranka, waxaana ay haayaan shaqo xasaasi ah oo shacabiga soomaaliyeed uriyaaqeen.

Teliyaha Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka mudane Fahad Yasin Xaaji aya dadaal dheer uga jira dardargelinta howlaha hay’ada NISA.

Dadka ka faalooda arimaha amaanka ayaa qaba hadii si wanaagsan loodhiso Hay’ada NISA in si fudud loo sugi karo amaanka dalka.

Waxaana muuqata in hay’ada ay hada awood uleedahay in ay la jaan qaado sirdoonada kale ee caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response