Sirdoonka Sudan & Daacish oo dagaalamay iyo khasaaraha ka dhashay

by admin | Wednesday, Sep 29, 2021 | 203 views

Bayaan ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka ee dalka Sudan ayaa lagu shaaciyey inuu Iska horimaadkaasi  ka dhacay Degmadda Jabarat oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in Hawlgalkaasi lagu dilay 5 Sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka, halka 2 kalena lagu dhaawacay.

Bayaanka waxaa kaloo lagu xusay inay Ciiddanka gacanta ku dhigeen 11 Dagaalamayaal Shisheeye ah oo ka tirsan Kooxda Daacish, halka ay 4 kalena baxsadeen, laguna raad joogo.

Like it? Share it!

Leave A Response