SIRTA ku qarsoon heshiiskii TAIWAN iyo Somaliland

by admin | Sunday, Jul 5, 2020 | 422 views

Waxaa muuqata suurta-galnimada Taiwan ay saldhig militari ka sameysato Somaliland, gaar ahaan magaalo xeebeedka Berbera, taasoo qayb ka ah heshiis laba-geesood ah oo ay la gashay maamulka Somaliland oo caalamka u aqoonsan yahay gobol ka mid ah Somalia.

Kowdii bishii Luulyo ayaa wasiirka arimaha dibadda Taiwan Joseph Wu (吳 釗 燮) wuxuu ku dhawaaqay in dowladaha Taiwan iyo Somaliland ay isku raaceen dhismaha xafiisyo matalaya labada dhinac, si ay si wanaagsan ugu adeegayaan danaha midba midka kale.

Wada-hadallada Taiwan iyo Somaliland ayaa billaabmay dabayaaqadii sanadkii 2019, waxaana heshiiskii ugu horeeyay ay kala saxeexdeen bishii Febraayo ee sanadkan, markii Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Yaasiin Hagi Maxamuud uu booqday Taipei uuna la kulmay Madaxweynaha Tsai Ing Ing-wen (蔡英文).

Lama oga sababta xiriirka labada dhinac uu u ahaa mid qarsoonaa mudadaasi fog, laakiin waxaa loo arkaa muhiimada xiriirka Taiwan ee Somaliland mid ay ku dooneyso inay ku cuuryaamiso awooda Shiinaha uu ku leeyahay gobolka gaar ahaan Geeska Africa, iyadoo la og yahay in Shiinaha uu xiriir dhow la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalka deriska ee Jabuuti.

Shabakadda HCH24 ee ku baxda luuqada Faransiiska kana faaloota arrimaha Geeska Africa ayaa daabacday in xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland inuu ka carooday Shiinaha sababta oo ah waxay carqaladeyneysaa ololahooda ay ku go’doominayso Taiwan.

Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu shaki ka qabaa xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, maadaama ay siinayso kuwa ay la tartamayaan inay saldhig ka dhigtaan waddan ay dariska yihiin saldhiga milatariga Shiinuhu ku leeyahay Jabuuti.

Shabakadda HCH24 ayaa qortay in madaxda Hargeysa in wajigii labaad ee heshiiska ay u ogolaanayaan millatariga Taiwan in ay laylis ku qabtaan Somaliland. Inta xitaa Taiwan ay ka shaqeyneyso in ay saldhig militari ka sameysato magaala xeebeedka muhiimka ah ee Berbera.

Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Joseph Wu (吳 釗 燮) wuxuu sheegay in tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-bannaanida 1991, ay ay ka dhaceen saddex doorasho oo madaxweyne ah isla markaana ay waddammo badani ka aqbaleen inay yihiin waddan dimuqraadi ah oo Afrika ka jira, sida uu ku shaaciyay barte twitter-ka Arbacadii (1-dii July), Wu wuxuu ku dhawaaqay saxeexa heshiiska labada dhinac wuxuuna ku tilmaamay Somaliland wadan madax bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika.

Taiwan ayaa tan iyo bishii Janaayo 2020 la shaqeyneysay Somaliland, kana caawineysay kobcinta awooda wasaaradaha kala duwan iyo farsamooyinka kale ee maamulka.

Kooxda ‘The Root Root Medical Peace Corps’ ayaa sidoo kale Somaliland ka caawisay dhinaca caafimaadka, iyadoo usoo dirtay shaqaale caafimaad markii seddexaad tan iyo bishii Janaayo ilaa 28-kii June. Waxay kaloo soo gaarsiisay sahaydii ugu weyneyd ee agab caafimaad oo loogu tala galay la dagaalanka cudurka dilaaga ah coronavirus (COVID-19).

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Danjiraha Shiinaha ee Somalia Qin Jianayaa oo ku kulmay qasriga madaxtooyada, wuxuuna Farmaajo u sheegau China in Somalia ay ixtiraamayso midnimada iyo wadajirka China.

Somaliland ayaa sannadkii 2017 waxay heshiis la saxeexatay Imaaraadka Carabta (UAE) inay saldhig milateri ka dhisato magaalada Berbera, sidoo kalena ay siiso tababaro milatari iyo qalab ciidan booliiska iyo millatariga Somaliland. Si kastaba ha noqotee, waxaa xigtay in la shaaciyay in Imaaraadka uu ka baxayo heshiiskaasi bishii Sebtember 2019.

Bishii Janaayo ee sannadkan, shabakadda wararka ee Telegraf ee ka soo baxda waddanka Mareykanka ayaa soo xigatey Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka iyaga oo sheegay in Ruushka uu sii laba jibaarayo qorsho uu saldhig milateri kaga dhisanayo magaalada Berbera. Laakiin dowladda Ruushka ma aysan xaqiijin warbixintan.

Like it? Share it!

Leave A Response