Sokor tayo xun oo dekada mombasa loo diiday in lagu dajiyo oo dekada muqdisho lagu dajinayo

by admin | Sunday, Feb 10, 2019 | 873 views

Markab siday sokor dhan 40,000 oo Tan oo loo diiday in uu kudejiyo Sokortaas dekedda Mombasa ee dalka Kenya dabayaaqadii sanadkii 2018, ayaa todobaadkan kusoo xirtay dekedda Muqdisho isaga oo dejinaya Sokortii ay Kenya amartay in lagu celiyo waddanka Brazil oo ay Sokortu asal ahaan katimid.

Amarka dib u celinta Markabka siday Sokorta ayaa soo baxay kaddib markii  xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya (Kenya Bureau of Standards (Kebs) uu diiday  in Sokortaasi gasho Kenya sabab la xiriirta dhinaca tayada iyo Bedqabka tayada oo liitay. Xafiiska ayaa kuwargeliyey shirkadda Darasa Investment Limited in ay dib u celiso Markabka sida Sokorta islamarkaana ay aan lagu dejin Karin Dekedda Mombasa.

Hay’ado kala duwan oo ay kamid yihiin maamulka canshuuraha Kenya, Maamulka dekedaha Kenya, ciidanka Badda ee Kenya iyo adeegga sirdoonka Qaranka Kenya ayaa isku raacay in Sokortani aanay tayo iyo bedqab ahaanba geli Karin Kenya.

Markabka MV Iron Lady ayaa ka goostay dekedda Mombasa ee Kenya kaddib markii xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya uu qaatay go’aanka Sokorta dib loogu celinaya Brazil, balse xiriir dhexmaray ganacsatada iska leh sokortan iyo siyaasiyiin kusugan Muqdisho ayaa fududeeyey in Sokorta laga dejiyo Muqdisho.

Ilo ku dhow dekedda Muqdisho ayaa sheegay in markabku kusoo xirtay dekedda Muqdisho kaddib markii loo diiday in uu Sokorta ku dejiyo dekadda Momobasa, waxa ay ilahan xaqiijiyeen in dejinta Sokorta uu sido Markabkaasi ay ka billaabay dekedda Muqdisho, waxaana suuragal ah in Sokortani ay gasho Suuqyada haddii ay ganacsatada wadataa ku guuleystaan in ay maraan hay’adda hubinta tayada ee dekedda Muqdisho

Like it? Share it!

Leave A Response