Somalia: HRW oo warbixin ka soo saartay waxyeellada shaqaalaheeda ee 2018

by admin | Monday, Aug 20, 2018 | 806 views

Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegeyso in 74 shil oo ka dhan ah shaqaalaheeda ay ka dhaceen Soomaaliya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in 7 ka mid ah shaqaalaha Samafalka lagu dilay Soomaaliya, 10 la dhaawacay, 18 kale la afduubtay oo shan ka mid ah ay wali gacanta ugu jiraan kooxihii afduubka geystay.

Waxaa ay warbixintu xustay  in dadka wali la heysto ay ka mid tahay Sonja Nientiet oo u dhalatay Germany una shaqeyneysay Hay’adda ICRC.

Ku xigeenka Isku  duwaha Arrimaha Gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Peter de Clercq,ayaa shalay oo ahayd maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha Muqdisho kaga dhawaaqay baaqa ah in la ixtiraamo shaqaalaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayuu sheegay I shaqalaaha iyo hay’adaha qaar ay wajahayanaa hanjabaadyo hor le islamarkaana laga hor istaagay in ay gar gaar gaarsiiyaan meelaha ugu baahida badan Soomaaliya.

Waxaa uu intaas raaciyay in tirada shaqaalaha iyo Agabka samafal ee lagu bartilmaameedsaday sanadkan gudaha Soomaaliya uu ka hooseeyo sanadkii hore haddana waxa dhacaya ayuu sheegay in ay tahay wax laga walaaco.

Xamza Saciid Xamza oo ah Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay xoogga saareyso sidii loo dhimi lahaa qataraha ay wajahayaan dadka ka shaqeeya samafalka.

19ka August ayaa loo aqoonsaday maalinta Xuquuqda aadanaha si loo xuso Dadkii ku dhintay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 19 August 2008dii ka dhacay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq halkaas oo ay mar qura ku dhinteen 22 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Like it? Share it!

Leave A Response