Somalia oo kaalimaha hoose kaga jirta dalalka tacadiyadda ugu badan loogu geysto Suxufiyiinta

by admin | Friday, Apr 19, 2019 | 841 views

Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee (Reporters Without Borders (RSF) oo uu fadhisgiisu dhexe ku yaallo caasimadda dalka Faransiiska waxa uu soo saaray Qiimeynta sannadkan 2019-ka ee Xorriyadda Saxaafadda Caalamka (2019 World Press Freedom).

180 Waddan ayaa lagu sameeyey qiimeynta Xorriyadda Saxaafadda, iyadoo ay jiraan waddamo badan oo lagu qaddariyo Suxufiyiinta iyo kuwo ay Suxufiyiinta kala kulmaan Hanjabaad, Jir-dil, Xabsi iyo dilal aan sharci ahayn.

Dalalka Norway, Finland, Sweden iyo Holland  ayaa kaalimaha sare kaga jira dalalka Europe, halka dalalka Afrika ay kaalimaha hore kaga jiraan dalalkaNamibia, Burkina Faso, Ethiopia, Gambia, Angola iyo Ghana.

Sida lagu muujiyey Qiimaynta sannadkan ee Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee RSF waxa uu dalkeenna Somalia kaga jiraa kaalinta 164-aad ee dalalka tacadiyadda aadka u daran loogu geysto Suxufiyiinta,

Sida lagu xusay Qiimeynta Ururka Suxufiyiinta aan xuduudka Lhayan ee RSF,Somalia waxay weli ka mid tahay dalalka ugu khatarta badan Qaaradda Afrika ee ay Suxufiyiinta ka hawlgalaan.

Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-ka, 3 Sxaafi ayaa ka badbaaday isku-day lagu dili lahaa, halka 3 kalena loo dilay arrimo la xiriira Hawshooda Saxafinimo.

Ururka Suxufiyiinta ee RSF waxa uu qeexay in Askari ka tirsan kuwa DFS oo kusugnaa bar-kontorool uu dilay Saxafigii ugu horreeyey, halka kan labaad Tooreey lagu dilay, kadib, markii loo hanjabay, iyadoo Saxaafiga 3-aad uu ku geeriyooday Qarax gaari.

Warbixinta qiimeynta ee Ururka Suxufiyiinta ee RSF waxaa kaloo lagu xusay in Dib-u-habaynta Xorriyadda Saxaafadda Somalia ay xagal-daaciyeen Musuq, Colaadaha Siyaasadeed, Dowladda Dhexe oo aan itaal lahayn, isla markaana ay gacanta ku wada haynin maamulka guud ee dalka.

Dhinaca kale, dalka Jabuuti waxa uu qiimeyntaasi kaga jiraa Kaalinta 173-aad, Shiinaha kaalinta 177-aad,  Eriteria kaalinta 178-aad,  Waqooyiga Kuurya kaalinta 179-aad iyo Turkumistaan oo kaga jirta kaalinta ugu hooseysa ee 180-aad.

Like it? Share it!

Leave A Response