Somalia: Sarkaal Mareykan ah oo walaac cusub muujiyey

by admin | Friday, Sep 18, 2020 | 680 views

Agaasimaha waaxda mukhaabaraadka AFRICOM, Heidi Berg ayaa walaac badan ka muujisay  awooda Al-Shabaab, xili uu Mareykanku ku dhiiranayo kordhinta weerarada ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Berg ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay ka awood sareyso Al-Qaacidada Soomaaliya iyo Boko Xaraam, marka loo eego dhanka cabsi galinta, midaasi noqon karta caqabad hor istaagta danaha reer Galbeedka ee gobolka.

Waxayna carabka ku adkeysay in Al-Shabaab ay tahay kooxda ugu halista badan qaarada Afrika, maadama ay beegsi gaar ah ku hayaan saraakiisha iyo masaalixdooda.

“Waxaa hubinay in ay jiraan ku talogal ah in la qaado weeraro ka dhan ah Mareykanka. Waxaan daawanay iyadoo ay arrintaas dhaceyso bilooyinkii dambe” ayey tiri.

Waxayna intaas kusii dartay “Boko Xaraam iyo Al-Qaacida waa kooxo halis badan, balse Al-Shabaab ayaa mudan in laga walaaco, xili uu been abuurkeeda uu soo xusuusinayo weeraradii daaraha mataanaha.”

“Waxaan haatan xaqiijinay in Al-Shabaab ay tahay kooxda ugu khatarta badan qaarada Afrika marka laga hadlayo awooda ay ku cabsi gelin karto danaha reer Galbeed ee gobol ahaan”.

Walaacan ayaa imanaya xili ay dhawaan Al-Shabaab weerar iyo qaraxyo ku dhaawaceen askari Ameerikan ah, kaasi oo ka dhacay gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan Janaay Cabdalla.

Inkasta oo uu taliska AFRICOM sheegay inuusan jirin dhaawac halis ku ah askerigaasi naftiisa oo kasoo gaaray weerarkaasi, haddana waxa uu weli isbitaal u yaala dhaawaca kasoo gaaray weerarkaasi.

War-saxaafadeed ay xiligaasi soo saartay ayey ku xustay in duqeyn aargudasho ah oo ay qaadey falkaas kadib ay ku dishay hal dagaal yahan oo Al-Shabaab ah.

Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe sarre u qaaday weerarada uu ku bartilmaameedsanayo saraakiisha iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, isagoona dhawaan qorsheynaya inuu weeraro ka dhan ah kooxdaasi ka fuliyo deegaanka baadiyaha ah ee Lamu iyo Garissa ee dalka Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response