Somaliland iyo Twain oo wakiilo is dhaafsaday

by admin | Tuesday, Aug 11, 2020 | 436 views

Wasiirka arrimaha dibedda ee Twain Joseph Wu ayaa sheegay in uu  soo dhoweeyay wakiilka koowaad ee Somaliland u fadhiya Taiwan, Maxamed Cumar Hagi kaasoo dhawaan uu Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Af hayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada ee Taiwan, Joanne Ou, ayaa sheegay  in Somaliland ay xafiis cusub oo wakiil ah ka furi doonto Taipei bisha Ogosto ama Sebtember.

Ou ayaa sheegay in labada dhinac ay wali ka wada hadlayaan talaabooyinka xiga ee xiriirkooda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay inay sidoo kale qorsheynayso inay xafiis ka furato Somaliland, islamarkaana wakiilkeeda cusub uu kusii jeedo Hargeysa.

Somaliland waxay ku dhawaaqday madax-bannaanida 1991 markii dagaal sokeeye ka dhacay Soomaaliya. In kasta oo uusan xiriir rasmi ah la lahayn dal dibloomaasiyadeed, haddana waxay 20 xafiis ku leedahay dalalka adduunka.

Like it? Share it!

Leave A Response