Somaliland oo B/Caalamka u sheegtay mowqifkeeda ku aadan qorshaha Abiy iyo Yamamoto ee Soomaaliya

by admin | Monday, May 18, 2020 | 476 views

 Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan Beesha caalamka u dirtay fariin ay ku cadeynayso mowqifkeeda ku aadan qorshaha cusub ee ay ku wajahayaan wada-hadalada Mas’uuliyiinta dowladaha Itoobiya iyo Mareykanku.

Somaliland ayaa si weyn uga hortimid qorshe ay Abiy Axmed iyo Donald Yamamoto ku rabaan inay dib ugu soo celiyaan midnimadii Soomaaliya, xili ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan.

Sida ay tibaaxayaan warar hoose oo aanu helayno, Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay xiriiro kala duwan la sameysay dalalka beesha caalamka ee xiriirka wanaagsani kala dhaxeeyo, kuwaasi oo ay u gudbisey mowqifkooda ku aadan arrinkaasi.

Xukuumada Somaliland ayaa sidoo kale dalalkaasi beesha caalamka u sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u furmaan wada-hadalada Soomaaliya, balse aysan ogoleyn qaabka leexsan ee dhawaan loo wajahay wada-hadaladaasi.

Valueimpression Placeholder

Michael Rubin oo ah Aqoon-yahan Mareykan ah oo inta badana u dooda Madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, ayaa isagun dhawaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay wadaan qorshe ay midnimo qasab ah uga dhex sameynayaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xili uu si xawli ah u socdo qorshe cusub oo ay iska kaashanayaan Abiy Axmed iyo Donald Yamamoto, kaasi oo ku aadan sidii ay si deg-deg ugu furmi lahaayeen wada-hadalada labada dhinac, isla markaana ay ka dhalato midnimo.

Like it? Share it!

Leave A Response