Somaliland oo bogaadisay guushii Kenya ka gaadhay Jabuuti ee kursiga QM

by admin | Friday, Aug 23, 2019 | 587 views

Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay bogaadisay guusha ay dowladda Kenya ka gaartay kursigii Qaramada Midoobe, kadib codeyn shalay uu qaaday ururka Midowga Afrika oo ka dhacday xaruntiisa magaalada Addis-Ababa.Dowladda Kenya ayaa waxa ay kaga adkaatay kursigan dowlada Jabuuti oo ay ku loolameen, iyada oo heshay 37-cod, halka Jabuuti ay ka heshay 13-cod.

Kenya ayaa taageerada Midowga Afrika heshay kadib wareeggi labaad ee codeynta Guddiga Xubnaha Joogtada ah ee Midowga Afrika, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

Hadaba, Wakiilka Somaliland ee Kenya, Baashe Cawil ayaa guusha Kenya ay ka gaartay loolankaasi adag ee ay kula jirtay Jabuuti ugu hambalyeey.

Baashe Cawil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuu ku yiri “Waxaan hambalyeenaynaa Dawlada Kenya oo ku guulaystay taageeradii Afircan Union ee kursiga wareega ee UN Security Council ka”.

Guushan Kenya ayaa dhabar-jab weyn ku ah Soomaaliya, iyada oo Kenya ay kursigan uga faa’iideysan karto inay abaabusho olole ka dhan ah Soomaaliya, si kiiska maxkamadda ee badda looga laabto, iyada oo taageero ka helaysa dalalka xubnaha ka ah golaha

Like it? Share it!

Leave A Response