Somaliland oo gacanta ku dhigtay Markab & Kalluumeysato Ajaanib ah

by admin | Tuesday, Jan 19, 2021 | 324 views

Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa waxaa la sheegay inay qabteen Markab nooca Kalluumeysiga ah iyo Kalluumeysato Ajnabi ah oo saarneyd Markabka.

Markabka oo aan weli la shaacin dalka laga leeyahay ayaa waxaa laga qabtay Xeebaha Gobolka ay Somaliland ula baxday Salel, waxaana saarnaa ku dhawaad 15 Kalluumeysato Ajaanib ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidmada ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa waxaa ay sheegeen in Kalluumeysatada Ajaanibta ah ay si sharci-daro ah uga kalluumaysanateen Xeebaha Somaliland.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in saacadaha soo socda ay soo bandhigi doonaan dalka laga leeyahay Markabka iyo wadamada ay u dhasheen Kalluumeysatada.

Somaliland Somaliland horay u sheeegtay in Xeebaheeda aysan ka kalluumeysan karin Maraakiib aan Shatiyo heysan, waxaana Ciidmada ilaalada Xeebaha ay dhowr jeer qabteen Kalluumeysato Ajnabi ah.

Like it? Share it!

Leave A Response