Somaliland oo ku dhowaaqday inay ka baxday heshiiskii saldhigga Berbera ee Imaaraadka

by admin | Saturday, Sep 14, 2019 | 604 views

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay si dad-ban shaaca uga qaaday inay xukuumadiisa ka laabatay saldhigii millateri ee magaalada Berbera ka siisay dowlada Imaaraadka Carabta.

Muuse Biixi ayaa ku micneeyay talaabadan ay kaga laabteen heshiiskii ay dowlada Imaaraadka saldhig ku siinayeen, mid timid wada-tashi dheer kadib markii xukuumadiisa ka yeelatay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkaasi sheegay xili uu maanta ku sugnaa Garoonka magaalada Berbera, isagoona ka dhawaajiyey in garoonka berbera laga dhisi doono uu kamid noqon doono garoomada ugu waaweyn dunida.

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil maanta, wuxuu noqonaya habka ugu weyn” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Wuxuuna intaas kusiid aray “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan”.

Hadalkan madaxweynaha Somaliland ee ku aadan ka noqoshada saldhigii Millateri ayaa ku soo aadaya xili uu muran baahsan ka taagna Saldhiga xukuumada Kulmiye ay Berbera ka siisay dowlada Imaaraadka Carabta.

Like it? Share it!

Leave A Response