Somaliland oo si kulul Oga hadashay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ee isku darista labada dal

by admin | Tuesday, Jun 19, 2018 | 947 views

Wasiirka arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda iskeed isugu magacawday Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa meel adag iska taagay heshiiskii Muqdisho ku dhex maray Sabtidii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isagoo u warramayey BBC ayaa wuxuu sheegay in heshiiskaas aysan jirin wax haba yaraatee iyaga ka khuseeya.

Mar wax laga weydiiyey arrin ay labada dal ku heshiiyeen oo ah ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo maalgashiga afar dekedood oo Soomaaliya ku yaalla ayuu yiri Sacad C Shire “midnimada laga hadlayo malaha waa tan Soomaliya ee annagu mid aannu ku jirno ma aha. Wixii ay halkaa kaga hadleen, deked ama arrin kale, Somaliland kuma jirto sidaasayuu yiri”.

Like it? Share it!

Leave A Response