Somaliland oo Xukun dil ah ku riday Sarkaal dil u geystay Gabar Dhalinyaro ah

by admin | Monday, May 9, 2022 | 381 views

Maxkamadda Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa Maanta xukun dil ah ku riday Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac, kaas oo 3-dii Bishaan xilli Habeen Magaalada hargeysa ku dilay Najma Cabdillaahi Maykal oo ka tirsaneyd Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland.

Sarkaalka dilka geystay ayaa rasaas ku furay gaari ay wadatay Najma Cabdillaahi Maykal  oo la sheegay in xilligaas ay u diyaar garoobeysay guurkeeda,isla markaana Suuqa ka soo doonatay Agab kamid ah kan Arooska.

Goobta Maxkamadeynta Sarkaalka dilka geystay ayaa waxa ku sugnaa Saraakiil katirsan Ciidamada Millateriga Somaliland, ehelada Marxuumada iyo Sarkaalka xukunka lagu riday iyo dad kale.

Dhawaan Ehellada Marxuumad Najma Cabdillaahi Maykal ayaa Xukuumadda Somaaliland ka codsaday inay cadaalad u helaan dilka Gabadhooda, taas oo uu dambeyn loo fuliyay.

Somaliland ayaa waxaa aad ugu yar dilalka ay Askarta u geystaan dadka Shacabka ah, waxaana inta badan la toogtaa askarta sida ku talo-galka ah u dila Dadka Shacabka ah

Like it? Share it!

Leave A Response