Somaliya oo Sucuudiga ku taageertay xiriirka ay u jartay Canada

by admin | Wednesday, Aug 8, 2018 | 1092 views

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda Sucuudiga.

Qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiddan tahay faragelin kasta oo arrimaha dibadda ah oo lagu sameeyo arrimaha gudaha Dalka Sucuudiga.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in faragelinta arrimaha gudaha dal kale ay xadgudub caalami ah ku tahay xeerarka Caalamiga ah iyo madaxbanaanida Dalkasta.

Ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya ayaa sheeegtay in ay rajeyneyso in Xukuumada Riyaadh iyo Ottowa ay xiriirkooda diblomaasiyadeed soo celiyaan iyaga oo ka fiirinaya danaha dadka labada dal iyo is aaminaadda.

No automatic alt text available.

Like it? Share it!

Leave A Response