Soomaali joogta Hindiya oo COVID-19 laga heley

by admin | Thursday, May 28, 2020 | 512 views

Wararka aan ka heleyno dalka India ayaa sheegaya in Soomaalida ku nool dalkaas cabsi soo food saartay ka did markii dhowr qof oo Soomaali laga heley xanuunka COVID-19 isla markaana tiro kale la karantiiley.

Dadka qaar ayaa sheegayaan in aysan heli Karin dhaqaalihii ku bixin lahaayeen caafimaadkooda maadaama isbitaalada gaarka loo leeyahay lacag yihiin.

Bishaaro Cabdirashiid, oo ka tirsan saafaradda Soomaaliya ee dalkaas ayaa soo sheegaysa in dadka qaar caawimaad yar ka heleen hey’adda qaxootiga QM ee UNHCR.

India guud ahaan 24 saac ee la soo dhaafay waxaa ay wasaaraddu caafimaadku diiwaan gelisay in 194 ruux u dhinteen, waana tiradii dhimasho ee ugu badneyn oo maalin keliya dhacda.

Tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee India waxaa ay gaaraysaa 158,3333 ruux, iyadoo wasaaraddu sheegtay in 67,691 qof ka bogsoodeen safmarka Coronavirus.

Like it? Share it!

Leave A Response