Soomaali ku geeriyootay Xajka

by admin | Thursday, Aug 23, 2018 | 895 views

Laba Xujeyda Soomaaliyeed ka mid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay, markii shalay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5-KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka.

Xujeydan geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina.

Saraakiisha Sacuudiga, ayaa sheegay in Laba qof oo Soomaali ah geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina.

Fahad Abuu Daalib Agaasimaha Waaxda Adeegga Dadweynaha ee Xajka ayaa sheegay in Meydadka Xujeyda dhintay ay ku jiri doonaan Firinjeerka ilaa uu ka dhamaano Xajka.

Martida illaahay ee gudanaysa Xajka ayaa ku guda jira Jamraadka, maalmo ayaana uga harsan dhameystirka Acmaasha Xajka.

Like it? Share it!

Leave A Response