Soomaali lagu xiray dalka Koonfur Afrika

by admin | Friday, Oct 16, 2020 | 425 views

Ciidamada booliska dalka koonfur Afrika ayaa waxaa ay Xasiga dhigeen 13 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dib u farsameynayeen waxyaabaha dhaca si loo iibgeeyo.

Ciidamada ayaa galay Warshad lagu farsameeyo waxyaabaha dhacay oo ku taalla degaanka  , iyaga oo kasoo xiray 13 Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana Booliska ay sheegeen in dadkaasi ay farsameynayeen waxyaabaha dhacay, isla markaana ay Bulshada dib uga iibinayeen.

Sarkaal o hadlay booliska Springs, Ee Gobolka Gauteng ayaa sheegay in raga ay xireen ay ku wareejiyeen Hay’adaha dambi barista, isla markaana uu rajeynayo in dhawaan Maxkamad la soo taago.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxaa ay burburiyeen Agab kala duwan oo dhacay, kuwaas oo Warshada ay dib u farsameysay si aan dukaamada loogu iibin markale.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan, kuwaas oo Burcadda Koonfur Afrikaanka ah kala kulmay falal isugu jira, Dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.

Like it? Share it!

Leave A Response