Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Soomaali lagu xiray dalka Waqooyiga Macedonia iyo waxa lagu haysto (Warbixin)

by admin | Tuesday, Sep 22, 2020 | 455 views

Booliska Waqooyiga Macedonia ayaa gacanta ku dhigay 61 qofood oo tahriibayaal ah iyo 5 ruux oo la rumeysan yahay iney yahiin muqalasiin dadka ku haga tahriibka.

Hawlgalka ayaa dhacay kadib markii taliska ciidamada loo gaarsiiyay xog la hubo oo ku saabsan dadka, waxaana la amray ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran howshaan iney ku dhaqaaqaan.

Sida lagu sheegay xog hordhac ah wadamada ay dadka kasoo kala jeedaan waxaa lagu sheegay saddex wadan oo ay wakhtigaan colaado ka jiraan waxaana ku jira Soomaaliya, labada wadan kale waxaa lagu sheegay Afghanistan iyo Suuriya.

Sidoo kale xogo kale oo ay dusiyeen warbaahinta caalamka ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan xubno u dhashay wadamada Pakistan iyo Bangladesh oo ah laba wadan oo ay xasilooni badan ka jirto marka loo barbardhigo saddexda wadan ee kale.

Ciidamada Waqooyiga Macedonia wxey horay gacanta ugu dhigeen 28-ruux oo lagu haayay guri ku yaalla halkaas si loosii gudbiyo, waxaana wadamadooda lagu sheegay Afghanistan, Bangladesh iyo Pakistan.

Dadkaan tahriibayaasha ah ayaa doonayay iney ka gudbaan xadka Serbia, si ay halkaas uga sii wataan safarkooda ay ku doonayaan iney ku tagaan wadamada kale ee yurub.

Sida la fahamsan yahay tahriibayaashaan ayaa kasoo gudbay xadka Greece, waxeyna xukuumadda Macedonia ogtahay in tahriibayaal badan ay ku xayiran yahiin wadanka dariska la ah….

Like it? Share it!

Leave A Response