Soomaaliland oo soo saartay Go’aano ka dhan ah dowladda Soomaaliya

by admin | Monday, Jul 15, 2019 | 718 views

Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha Wasiirradda JSomaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray  khilaafka Siyaasadeed ee Cuusb ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaliya.

Golaha wasiirrada Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya  ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan ayaa lagu yiri War kazoo baxay Golaha.

Sidoo kale Golaha ayaa waxaa ay sheegeen in aan aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii bareerka ahaa oo ay Madaxda Dowladda Soomaaliya isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga. Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya waa sida ay hadalka u dhigeene.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay inay u mahad celineyso dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal.

Ugu danbayntii goluhu wuxuu warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda.

Like it? Share it!

Leave A Response