Soomaaliland oo xirtay mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada

by admin | Friday, May 10, 2019 | 871 views

Ciidamada Ammaanka Soomaaliland ayaa Xabsiga Magalada Hargeysa waxa ay dhigeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool.

Xildhibaanka oo ka hor xarigiisa aan xasaanada laga qaadin ayaa loo xiray sababo la xiriira in Maalinta 18-ka Bisha May aysan aheyn Maalin Qaran,balse ay tahay Maalin ay leeyihiin Ururka SNM

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Saacadaha soo socda ay macquul tahay in Xildhibaan Dhakool loo gudbiyo Xarumaha Hay’adaha dambi-baarista ee Soomaaliland,sida ay ku warameen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magalada Hargeysa.

Siyaasiyiin farabadan oo kasoo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa waxaa ay si kulkul uga hadleen xariga Xildhibaank,iyaga oo Madaxweynaha Soomaaliland ku eedeeyey in ay dadka caburineyso.

Like it? Share it!

Leave A Response