Soomaaliland oo xirtay Nin ku labistay dhar leh midabka Calanka Soomaaliya

by admin | Tuesday, May 14, 2019 | 705 views

Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland ayaa Maanta Magalada Hargeysa waxa ay ki xireen Wiil Dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar laga tolay dharka Buluuga ah ee Calanka Soomaaliya.

Wiilka oo Magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar”  ayaa xirnaa Surwaal iyo Jaakad leh midabka Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya,waxaana ka hor xarigiisa uu hanjabaad iyo qeylo kala kulmay qaar ka mid ah Shacabka Magalada Hargeysa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa Wiilkaasi Dhalinyarada ah xiray,isla markaana u dhaadhiciyay Xabsiga Magalada Hargeysa,waxaana u jeedada kaliya ee loo xiray ay tahay qaadashada dharka leh midabka Calanka Soomaaliya.

Soomaaliland ayaa aaminsan inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale,waxaana deegaanada Maamulkaas lagu xiraa dadka loo arko inay taageerayaan Dowladda soomaaliya,haba ugu badnaadaan kuwa ka taga Magalada Muqdisho oo markii hore ka yimid Soomaaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response