Soomaaliya oo diiday in Al-Shabaab loo aqoonsado argagixiso caalami ah

by admin | Saturday, Aug 24, 2019 | 592 views

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay si rasmi ah uga horjeedo codsiga ay dowladda Kenya u gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ku aadan in Al-Shabaab si gaar ah loogu daro liiska argagixisada caalamka.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay in aan Al-Shabaab lagu darin Liiska Argagixisadda Caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay dowladda Soomaaliya ay u qaaday tilaabadaasi, maadaama Al-Shabaab ay dagaal culus kula jirto dowladda Soomaaliya.

“Al-Shabaab waa la baacsanayaa, waana laga guleysanayaa. Al-Shabaab lagama guuleysanaayo inta ay haystaan taageero banaanka ah iyo dad og in ay taageeraan iyo kuwa aanan ogayn,” ayuu yiri Baalle.

“Al-Shabaab lacagta ugu badan waxay ka helaan dhuxusha laga dhoofiyo gobolada Koonfureed, marka la dhoofinaayo, waxaa kor-taagan askar Kenyan ah, annaga sawirraan haynaa, waxaan haynaa xaqiiqo, qoladii guddiga xayiraada ayaa xitaa soo qoray, oo dhahaaya, waan soo aragnay, ma ahan waxaan aniga dhahaayo, iyagaa soo qoray oo ahaa ‘Kenyanka iyagoo jooga ayaa meesha laga dhoofinaya’ marka waxaad ii sheegtaa, Kenya iyadda oo ogolaatay in dhuxusha la dhoofiyo oo Al-Shabaab lacag ka sameyso, sababtee ayey u ogolaatay in Al-Shabaab lagu daro 1257,” ayuu is-waydiiyay Danjire Balle/

Waxaa uu hadalkasi intaasi kusii daray “Marka waxaa noosoo baxday laba shey; 1257 ma qabo aragti bini’aadanimo; meesha ay joogaan [AlShabaab] hadii musiibo ka dhacdo waxba lama geyn karo [gargaar]. Taasi waxaa Soomaaliya ku taageeray dhamaan hay’addihii ka shaqeynayey bini’aadanimadda”. Hay’addahan oo badankooda ah kuwa Ameerikaan ah ayaa dowladooda Mareykanka waxay ka codsadeen in ay qaadacdo soo jeedinta xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Nairobi. “Kenyanka maxay sameynayaa? Waxay adeegsadeen dhamaan hay’addahoodii dowliga ahaa xitaa afhayeenkooda baarlamaanka waxay uu geeyay mooshin markaa si qoto dheer u akhriso iclaaminaya dagaal ka dhan ah Soomaaliya, hadii looga guuleysto dacwadda badda,”

Like it? Share it!

Leave A Response