Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka

by admin | Thursday, Mar 16, 2023 | 185 views

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Washington DC ee Dalka Marekanka uga qeybgashay shir weynaha horumarinta Gaadiidka Adduunka oo usoo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka.

Wasiir Fardowsa , ayaa shirka ku soo bandhigtay caqabadaha iyo horumarada Gaadiidka Soomaaliya ,iyadoo xaqiijisay dagaallada , colaadaha, saameynta cimilada iyo Covid-19 inay dib u dhac gaarsiiyeen hannaanka Gaadiidka Soomaaliya.

Wasiir Fardowsa , ayaa la filayaa in inta ay ku sugan tahay magaalada Washington DC ee Dalka Marekanka inay kulamo doceedyo kala duwan la yeelato qaar kamid ah madaxda a qeyb galeysa Shirka.

Like it? Share it!

Leave A Response