Soomaaliya oo laga xusayo Maalinta Saxaafadda Aduunka

by admin | Friday, May 3, 2019 | 778 views

Maanta oo kale 3-da bisha May Sanadkiiba mar ayaa waxaa Magalada muqdisho iyo Guud ahaan Caalamka waxaa laga xusaa Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Aduunka, iyada oo ay dhacaan munaasabado kala duwan.

Maanta oo ku beegan 3-da bisha May Sanadka 2019 ayaa waxaa Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya lagu qabanayaa munaasabado ay dhigayaan qaar ka mid ah Ururada Saxaafadeed ee dalka ka jira.

Inta badan Munaasabadaha ayaa waxaa looga hadli doonaa dhibaatooyinka heysta Saxaafadda Soomaaliya iyo xurriyadda hadalka,waxaana la soo bandhigi doonaa Wariyeyaashii la dhibaateeyey Sanadkii la soo dhaafay.

Soomaaliya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee Suxufiyiinta lagu dhibvaateeyo wallow sanadihii la soo dhaafay ay yaraayeen dhibaatooyinka loo geysan jiray Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee xilligaan ku Shaqeynaya duruufaha adag.

Like it? Share it!

Leave A Response